Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Hawl Galo Ka Bilaabay Gudaha Dalka Iyo Waxa Uu Daaran Yahay 

Waxaana ciidankan laanta socdaalka  oo gawaadhi wataa ay qabqabanayaan dadka ajaanibka ah ee aan haysan  warqada qoxuuntiga ee ay dal kusoo galeen,waxaana ciidanka laanta socdaalka oo kaashanaya ciidamada boolisku ay qabqabanayeen cid kaste oo ajaaniba ah oo aan dalka u dhalan isla markaana aan haysan warqadii quxuuntiga ee ay dalka kusoogaleen ayna  kamid yihiin dadka dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Itoobiya iyo Yamen.

Hawlgaladan ay bilaabeen ciidamadu Ayaa kusoo beegmaya wakhti dalka Somaliland ay buux dhaafiyeen dad ajaanib ah oo sifo sharci darro ah kusoo galay,waxaana uu hawlgalkani daba socdaa hawl galo ay sameeyeen dhawaan oo ay ku qabqabteen dad tiro badan oo sifo sharci darro ah u jooga dalka Somaliland kuwaas oo ay badankoodii dib ugu celiyeen wadamadii ay ka yimaadeen,waxaana dadkaasi u badnaa dadka kasoo jeeda qoomiyadda Oromadda oo iyagu si qarsoodi ah dalka kusoo gala.

Dhawaan ayay ahayd markii ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in dalka laga saari doono cid kaste oo ajaanib ah isla markaana  aan haysan warqadii quxuuntiga ama dal kusoo galka oo ku dhex sugan gudaha dalka Somaliland.

Gabagabadiina Bulshada Somaliland ayaa iyagu aad usoo dhaweeyey talaabadan ay qaadeen ciidamada laanta socdaalka Somaliland ee ay dalka kaga saarayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharco darrada ah ku jooga wadanka ugana dhex shaqaysta.