Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo socdaal ku jooga magaalada Laascaanood ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka deegaanada koonfurta gobolka Sool iyo waliba gudidii odayaasha ahaa ee dhawaan loo xil saaray soo afjarida colaad muddo ka taagnayd deegaanada koonfurta gobolka Sool.