Waxaa la soo gabagabeeyay tirada codadka wareegii koowaad ee doorashada oo ay ku tartamayeen ilaa afar musahrax.
Wareegii hore waxaa doorashada ku tartamay Prof Max’ed Cismaan Jawaari, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, C/fitaax Max’ed Geeseey iyo Idir Aadan Dhatar.
Guud ahaan tirada codeysay ayaa ah 259, halka labo cod oo ka mid ah ay xumaadeen.
Hadaba waxaa ay musharixiinta codadka u kala helleen sidan :
=
· Pror Max’ed Cismaan Jawaari [141 cod]
· C/rashiid Max’ed Xidig [ 97 cod ]
· C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey [17 cod]
· Idir Aadan Dhakhtar [2 cod]
Ugu danbeyntii, waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoonka KMG oo halkaa ka sheegay in Prof Max’ed Cismaan Jawaari mar kale noqonayo guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya.