Daawo:Salaadiinta Somaliland Oo Ka War Bixiyey Kulan Xasaasi Ah Oo Ay La Yeesheen Madaxda Saddexda Xisbi

Hargaysa (GNN)-Qaar ka mid ah madax dhaqameedka Reer Somaliland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen kulan ay maanta isku soo hor fadhiisiyeen masuulyiinta saddexda xisbi ee Kulmiye , Waddani iyo UCID

Waxaa ay sheegen madax dhaqameedkani in ay siyaasiyiintan u soo jeediyeen in ay gabi ahaanba joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay warbaahinta isku marinayaan isla markaana ay joojiyaan olalahan ay bilaabeen wakhtigan abaaraha lagu jiro , waxaana ay madax dhaqameedkani xusen in masuulyiintani ka aqbaleen codsiyadan ay u soo jeediyeen