Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo gudaha u galay hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho SAWIRO.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar ismiidamin ah oo subaxnidii hore ee saakay lagu qaaday hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

thumbnail

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay xiligan ka dhax dagaalamayaan hoteelka, halka mid ah dableyda toogasho ku dileen ciidamada amniga.

Goobta ayaa waxaa soo buuxiyay ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo la dagaalamaya dableyda gudaha u gashay hoteelka, sidoo kalana waxaa halkaa gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah, madaama weerarka uu ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Ka hor inta aysan dableyda gudaha u gallin hoteelka ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxaa lagu dhuftay ilinka hore, taasoo u sahashay xoogagga hubeysan in ay gudaha gallaan.

Khasaare ballaaran ayaa lagu waramayaa in weerarka uu ka soo gaaray ciidamada iyo dad rayidka ah intaba, madaama halka uu qaraxa ka dhacay ay ku yaalleen goob ganacsi oo aad u mashquul badan.

Wararka ku saabsan weerarka oo isa soo taraya waan idin soo gudbin doonnaa..

Log1