Wax badan buu umadiisa u soo shaqeeyey , Waxaana hubaal aha in madaxwaynah uu in badan u dulqaadanyey dhibakan , uuna la socday , go aankan madaxwaynahu qaatayna waxa uu ahaa mid soo jiitamayey mudo dheer,dadwaynahuna way dareensanaayeen halka ay dhibku jiro, dowladuna mudo dheer bay baadhitaan soo waday wax cid gaara loo la jeedana ma ah, ee waa dantii qoysaskeena noloshooda, iyo danta dadka danyartaa ee xaaladahu iskugu darsameen.
Hadab waxaa shirkadah lagudboon in ay ku dacwoodaan uun sidii ay arinka u fulin lahaayeen una ufurdaamin lahaayeen
Dalkan waa dal la kala koostay, one million doller ayaa habeenwalba utalaaba Ethiopia, 20million oo dollerna waxay utalaabaan xamar .,dib uhabayntan madaxwaynu wax ka
noqod ma laha , ee halala jaan qaado,
Madaxwaynahuna waa nin dhaqaalo yahayna , khuburaduna maxay tahay isagaaba khabiir dhaqaale yahana ahe, isagaanay maskaxdiisa ka soo maaxatee, khuburadu wax intaas dhaafsiisan may sheegeen.
Rag wasiiro ah ayaa waqti ka doodayey oo qaadaa dhigay ,kuwaas oo ah howalwadeenadii xukumada .markaa iyagaaba khuburo ah dhaqaaale ah, waayo rayiga iyo maskaxa ahaa kala duwan ayuu ku jiraa, rayiga fayoobi , khabiirkii dhaqaalahuna wuu shirgudoominayey
Hadii aynu eegno qoska jsl , ( household for Somaliland ) oo qaarbadan aan wax waydiiyey:- ,” waxay ii sheegeen in uu madxwaynahu uu kar(dhib ) ka dulqaaday haystay, waar maan naan noolayn , illahay cimrigiisa ha dheereeyo, ee noofadhi dheh, noo fadhi dheh” dhibka ugu badana waxa uu haystay qoyska reer Somaliland ee ka kooban sideeda ilaa toban qof.dhibka ugu badana iyaga ayuu ku dhacayey
Hadab habaynta madaxwaynaha ( M.A.S) EE dhaqaalaha waxaan filayaa in uu bilow yahay ,gudoomiyaha wadanina waakii lahaa xukumadu wax ( strategy )kama laha arinta sixirbararkee ( inflation ) ee baal ka raac .adaaba dowladii ka tirsane
Gudoomiyaha ucidna in uu reerkooda dadbada ka soo riixo may ahayn , arinkuna waa arin qaran ,waxZAAD iyo E DAHAB oo la joojiyeyna ma jiro,faa iidada ZAADKA iyo E-DAHABKA NA WAA la ogyahay faaiidadooduna way sii jiri doontaa. hadii ay sidan ku sii socon lahaydna hal sano oo danbe lacagteena maxaliga ahi waxay noqon lahayd dooler aan la arkayn oo numbaraa waayo dadwanahi i min ayeeyo ilaa awoowo numberkaas ayuun bay diryaan , markaa lacagteenii qaranimadeenii meeday ,qarana waa in uu lahaa daa lacag ugaar ah, hadii dadkeena dantiisu halka ay ku jirtana aynaan eegin waa maxay macaashaka a.( personal gain ) aynu raadinaynaa muxuu yahay, dal faqiira. Dadkiisu faqiir yahiin aan la ictiraafsanayn .hadan dhaqaalahoodu meel fiican u maraayo waa al-xamdulilaah.
Hadaba dhaqaale yahan madaXwayne (M.A. S) wax uu inoo bilaabay( economic reform ) ee dadwaynow ha lala qabsado. Talaabooyinka dhaqan dhaqaale ee uu madaxwanahu qaadayo.
U fiirso itoobiyadan agteena doolarku waa ka mabnuuc ,hadii lagu qabtana waa xadhig .laakiin bangiyo doolarka la dhigo oo kusiinaya lisanka ganacsiga oo aad doolarka uxawilaysid ayaa laga furay qarka shishe. , Bal eeg jaamacadahan doolar urursiga loo furtay ee wax tacliin ah oo tayo leh aan hayn, wax macalimiin ah oo tayo leh aan la keenayn eeg, markaa itoobiya ma daciifnimadayda ayey ka faaiidaysanaysaa.
markaa waa in aanu arinku noqon goaan golaha wasiiradu ucodeeyeen iyo madaxwanahuna uu saxeexay ,ee waa in daba galkiisa iyo qiimayntiisa uu lahaada cida carqaladaysana dalku .shirkadahan waqti ay howsha ku fuliyaan waa in la siiyaa,dadwanahuna waa in ay soo sheegaan ,oo ay la shaqeeyaan poliska,
Gabogabadii
Maadama kharashkii inaga soo gali jiray dhoofka xoolaha aanu jirin waa in aynu joojisanaa lacagta adag ee dalka dibada uga baxaysa oo yaanay ina dhaafin, lacagtii yarayd ee( Diaspora ) inoo soo dirayeen hadii ay markaba ina dhaafto sow ayaan daro ma aha, oo maalinba maalinta ka danbaysa ay qoysaskeenu heerka nolashoodu ay sii daciifayso
Madaxwayne waxaad qadatay goaan waxtar uleh dadka iyo dalkaba , oo taariikhiya ah. Arinkana waxaan kugu bogaadinayeynaa ka fikirkaaga mudada qaatay ee aad bislaanshaha u eegaysay.
si ay uwada socdaan qiimaha raashinka iyo doolarkuna waa in qiimaha raashinaka la soo gooyaa, maxaa yeelay, doolarkii hoos buu udhacay laakiin rashinkii halkiisii buu taagan yahay bakhaar ilaa dukaan,
abaarahiina way siisiyaadayaan maalinba maalinta ka danbaysa.ee taxadirkeeda .
by: khaddar adam aw muuse