Dib u habaynta dhaqaalaha ee madaxwaynha ( economy reform for the president )by: khaddar adam aw muuse

Wax badan buu umadiisa u soo shaqeeyey , Waxaana  hubaal aha in madaxwaynah uu in badan u dulqaadanyey dhibakan ,  uuna la socday    , go aankan madaxwaynahu qaatayna waxa uu ahaa  mid soo  jiitamayey mudo dheer,dadwaynahuna way dareensanaayeen halka ay dhibku jiro, dowladuna mudo dheer bay baadhitaan soo waday wax cid gaara loo la jeedana ma ah, ee waa dantii qoysaskeena  noloshooda, iyo danta dadka danyartaa ee xaaladahu iskugu darsameen.

Hadab waxaa shirkadah lagudboon in  ay  ku dacwoodaan uun  sidii ay arinka u fulin lahaayeen  una  ufurdaamin lahaayeen

Dalkan waa dal  la kala  koostay,  one million doller ayaa habeenwalba utalaaba Ethiopia, 20million oo dollerna waxay utalaabaan xamar .,dib uhabayntan madaxwaynu wax  ka

noqod ma  laha , ee halala jaan qaado,

Madaxwaynahuna waa nin dhaqaalo yahayna , khuburaduna maxay tahay isagaaba khabiir dhaqaale yahana  ahe, isagaanay maskaxdiisa ka soo maaxatee, khuburadu wax intaas dhaafsiisan may sheegeen.

Rag wasiiro ah ayaa waqti ka doodayey oo qaadaa dhigay ,kuwaas oo ah howalwadeenadii  xukumada .markaa iyagaaba  khuburo ah dhaqaaale ah, waayo rayiga iyo maskaxa ahaa kala duwan ayuu ku jiraa, rayiga fayoobi , khabiirkii dhaqaalahuna wuu shirgudoominayey

Hadii aynu eegno qoska jsl , ( household for Somaliland )  oo qaarbadan aan wax waydiiyey:- ,” waxay ii sheegeen in uu madxwaynahu uu kar(dhib )  ka dulqaaday haystay, waar maan naan noolayn , illahay cimrigiisa ha dheereeyo, ee noofadhi  dheh,  noo fadhi dheh” dhibka ugu badana waxa uu haystay qoyska reer Somaliland ee ka kooban sideeda ilaa toban  qof.dhibka ugu badana  iyaga ayuu ku dhacayey

Hadab habaynta madaxwaynaha ( M.A.S) EE dhaqaalaha waxaan filayaa in uu bilow yahay ,gudoomiyaha wadanina waakii lahaa xukumadu  wax ( strategy )kama laha arinta sixirbararkee ( inflation )  ee  baal ka raac .adaaba dowladii ka tirsane

Gudoomiyaha ucidna in uu reerkooda dadbada ka soo riixo may  ahayn  , arinkuna waa arin qaran ,waxZAAD  iyo E DAHAB  oo la joojiyeyna ma jiro,faa iidada ZAADKA iyo E-DAHABKA  NA WAA la ogyahay faaiidadooduna  way sii jiri doontaa.  hadii ay sidan ku sii socon lahaydna hal sano oo danbe  lacagteena maxaliga ahi waxay noqon lahayd dooler aan la arkayn oo numbaraa waayo dadwanahi i min  ayeeyo ilaa awoowo  numberkaas ayuun bay diryaan  , markaa lacagteenii  qaranimadeenii meeday ,qarana waa in uu lahaa daa lacag ugaar ah, hadii dadkeena dantiisu halka ay ku jirtana aynaan eegin waa maxay macaashaka a.( personal gain ) aynu raadinaynaa muxuu yahay, dal faqiira. Dadkiisu faqiir yahiin aan la ictiraafsanayn .hadan dhaqaalahoodu meel fiican u maraayo  waa al-xamdulilaah.

Hadaba  dhaqaale yahan madaXwayne (M.A. S)   wax uu inoo bilaabay(  economic  reform )  ee dadwaynow ha lala qabsado. Talaabooyinka  dhaqan dhaqaale ee uu madaxwanahu qaadayo.

U fiirso itoobiyadan agteena doolarku waa ka mabnuuc ,hadii lagu qabtana waa xadhig  .laakiin bangiyo doolarka la dhigo oo kusiinaya lisanka ganacsiga  oo aad  doolarka uxawilaysid ayaa laga furay qarka shishe. ,  Bal eeg jaamacadahan doolar urursiga loo furtay ee wax tacliin ah oo tayo leh   aan hayn,  wax macalimiin ah oo tayo leh aan la keenayn eeg, markaa itoobiya ma daciifnimadayda ayey ka faaiidaysanaysaa.

markaa  waa in aanu arinku  noqon goaan golaha wasiiradu ucodeeyeen iyo madaxwanahuna uu saxeexay  ,ee waa in daba galkiisa iyo qiimayntiisa uu lahaada cida carqaladaysana dalku  .shirkadahan waqti ay howsha ku fuliyaan waa in la siiyaa,dadwanahuna waa in ay soo sheegaan ,oo ay la shaqeeyaan poliska,

Gabogabadii

Maadama  kharashkii  inaga soo gali jiray dhoofka  xoolaha aanu jirin waa in aynu joojisanaa lacagta adag ee dalka dibada uga baxaysa  oo yaanay  ina dhaafin, lacagtii yarayd ee( Diaspora ) inoo soo dirayeen hadii ay markaba ina dhaafto sow ayaan daro ma aha, oo maalinba maalinta ka danbaysa ay qoysaskeenu heerka nolashoodu ay sii daciifayso

Madaxwayne waxaad qadatay goaan waxtar uleh dadka iyo dalkaba , oo taariikhiya ah. Arinkana  waxaan kugu bogaadinayeynaa  ka fikirkaaga  mudada qaatay ee aad bislaanshaha u eegaysay.

si ay uwada socdaan qiimaha raashinka iyo doolarkuna waa in qiimaha raashinaka la soo gooyaa, maxaa yeelay, doolarkii hoos buu udhacay laakiin rashinkii halkiisii buu taagan yahay    bakhaar ilaa dukaan,

abaarahiina way siisiyaadayaan maalinba maalinta ka danbaysa.ee taxadirkeeda .

by: khaddar adam aw muuse