Ehelada Abwaano Waaweyn Oo Magac Kulahaa Bulshada, Oo Shirkada Telesom Sifo Tuugo Ah U Adeegsatay Codadka Suugaantoodii Oo Cabasho la Hortagay.

Hargeisa(GNN):-Ehelada Abwaano  Waaweyn Oo Magac Kulahaa Bulshada, Oo Shirkada Telesom Sifo Tuugo Ah U Adeegsatay Codadkoodii Oo Cabasho la Hortagay.

Codkii Dadka Baahan-

Carooga Saboolka

-Ana Cudha Haysta-

Anaa Cabdilaahi-

Wargays U Ah Caydha-

Caloosha Danlayda

-Anaa Cabiraya ”

Ereyada Tuducyadaasi waxay kamid Ahaayeen Maansadii caanka Ahayd Ee alle ha u Naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Kagaga Hadlayey Saboolnimada iyo Sida Shacabka In gaar Ahi ugu Dul nooshahay,

Hargeisa(GNN):- Qaar Kamida Ehelada Abwaanadii Waaweynaa ee Laga Dhaxlay Suugaanta iyo Kobcinta Afka Somaliga islamarkaana Hodanka Ku Ahaa Afkooda hooyo Ayaa Cabasho Xoogan La Hortagay Shirkada Telesom Kadib Markii Ay iyada oo aan wax ogolaansho ah ka helin ehelada abwaanadaasi iyo qaar kamida abwaanada dalka ee nool ay sifo tuugo ah u isticmaashay codadka suugaantii ay ka tageen ama ay curiyeen, waxaana shirkada Telesom u Sameysatay Adeeg Ay ula Baxday Ila Maqal oo Codadka Gabayada iyo Suugaantaasi Kala Duwani ay ku xidhay telefoonada kala duwan ee Bulshada, Waxaa Shaqsi Kasta oo isticmaasha Adeegaasi ay Ka Jartaa Lacagta Uu Qofku Ku Shubto Telefoonkiisa Qiimo Dhan 0.75 oo u dhigma Shan Kun oo Lacagta Somaliland Ah (5,000),  Bil Kasta, Qiyaasta Lacagtan oo Qof kasta Ay Shirkada Telesom uga Goyso Lacagtiisa Prepaidka ee uu Telefoonka Ku Shubto oo ah malaayiin Dollar islamarkaana Aaney Wax Idam Ah ama Ogolaansho Ka Haysan inta Abwaanada nool iyo ehelada Kuwii Dhintay,

Dhacdadan oo ah Nidaam Tuugo Casri Ah Ayaa kamida gabood falada ay shirakadani shacabka ku hayso, qaar kamida abwaanada nool ee dalka ku sugan ayaa iyagu markii ay shirkadu bilowday barnaamijkaasi ka diiday inay isticmaali karaan suugaantii kasoo maaxatay maskaxdooda islamarkaana amar ku siiyey in aaney adeegsan karin kadib markii ay ogaadeen nidaamkan dhaqaale raadiska ee sifaha hoose ay shirkadani dhaqaalaha uga dhaliso, Xogaha Wararkan Oo Ay noo Xaqiijiyeen Qaar Kamida Shaqaalaha Shirkada Oo Naga Codsaday Inaanu Qarino Magacayadooda.

Mana Jirto ilaa Hadda cid ama Shaqsi kamida Abwaanadaa Ay dariiqa ka Baxsan diinta islamaaka iyo daacadnimada codadkooda u adeegsatay wax dhaqaale ah oo ay ku celisay ama ay uga qaadatay ogolaansho.

dhaxalka kaliyaata ee Abwaanadii dhintay Ay Uga Tageen eheladooda oo Ah Magaca iyo murtidii ay tiriyeen oo qaarkood shirkada faray inay ka saaraan codadkan aaney cidna ogolaansho uga helin, kadib markii ay ogaadeen in dhaqaale tuugo ah ay shacabka kagaga hesho ayaa sheegay inay tahay xaaraan lana tiigsan doonaan Hayadaha Garsoorka Dalka, wacadna Ku maray inay arrintaasi ka gilgishaan.

 

Sikastaba ha Ahaatee Codadkan Ay Adeegsadaan Telesom Ayaa Badankooda abwaanadii tiriyey ee u hibeeyey shacabkoodu ka xijaabteen dunida, sida

Abwaan xaaji aadan afqalooc

Abwaan C/laahi Suldaan Timacade

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Abwaan Sayid Maxamed Cabdule Xassan

Abwaan carays Ciise

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)

iyo Qaar Kale Oo Badan

Halka Kuwii Nool ee Ilahay Ku Simay Wakhtigan Aaney jirin wax Ogolaansho Ah Ama idam ah oo ka Heshay, habayaraatee aaney ku celin wax dhaqaale lacagtaa tirada badan ee ku hesho adeegsiga codadkii iyo maskaxdii wakhtiga iyo fikirka ku qaadatay.

La Soco Wararka Kasoo Kordha Dhacdadan.