Ganacsato Itoobiyaan ah oo Booqasho ku Yimi Dalka iyo Kullamo Dhexmaray Masuuliyiinta Dawladda

Berbera(GNN)- Ku-xigeenka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya, Mr. Ayaanle Salaad Diiriye iyo wefti ay ku jiraan qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Itoobiya ayaa shalay booqasho ku tegay dekadda Berbera.

Weftiga Mr. Ayaanle Salaad, hoggaaminayey oo shalay socdaal dhinaca dhulka ah ku yimi Somaliland oo ka koobnaa saddex nin oo ganacsatada waaweyn ee Itoobiya ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawladda Somaliland.
Ku-xigeenka danjire Ayaanle Salaad, ayaa sheegay inay Ganacsatada Itoobiyaanka ahi la kulmeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada iyo Wasiiru-dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye.
Sidoo kalena waxa weftigu ay la shireen madaxda heer gobol iyo degmo ee gobolka Saaxil iyo madaxda dekadda Berbera, sida uu sheefay Ayaanle Salaad Diiriye, waxaannu intaas xusay in shirarkaasi si wanaagsan ugu qabsoomeen.

Imaatinka weftiga ayaa meesha ka saaraya tuhunno la sheegayey in xukuumada Itoobiya ka muujisay hindise aan weli hirgelin oo xukuumadda Somaliland go’aan kaga gaadhayso dalab Imaaraadka carabtu ku doonayso inay saldhig Milateri ay ku yeelato magaalada Berbera. Waxa kaloo booqashada weftiga Itoobiyaanka ahi ku soo beegmaya xilli safaarada Itoobiya ee Hargeysa ay dhammaytirtay dal-ku-galka ay siisay 160 arday helay deeq waxbarasho dawladda Itoobiya siisay, isla markaana la filayo inay maalmaha soo socda u socdaalaan Addis-ababa, hawshaa oo dhammaystirkeeda kaalin weyn uu ka qaatay ku-xigeenka safaarada Itoobiya.