Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Marxuum Oday Maxamuud Dhool-dahable

13 January 2017
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Caawo oo ay taariikhdu tahay 13/01/2017.
Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) waxa uu ahaa oday taariikh fac wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo door ballaadhan ka soo qaatay halgankii dalka, nabadayntii, dhismihii dalwadnimada iyo horumarkii waddanku soo maray. Waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka tiir culus oo ka baxay qaranka.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE