Madaxweynaha Uganda Oo Dalacsiiyay Wiil Uu Dhalay

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dalacsiiyay wiilkiisa curadka ah, isagoo ka dhigay La taliyaha gaarka ah ee Madaxtooyada.latest005pix

Madaxweyne Museveni ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Ciidamada milateriga, waxaana uu wiilkiisa ka dhigay Major Generaal, isagoo ka mid noqday Taliyeyaasha sare ee Milateriga Uganda.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba ayaa si aan la fileyn uga dhex dalacay dhowrkii sano ee u dambeeyay saraakiisha Ciidamada Milateriga.

Muhoozi oo 42 jir ah ayaa ahaa taliyaha gaarka ah ee ciidamada sida gaarka u tababaran ee ilaaliya aabihii, waxaana xilkan uu hayay tan iyo sanadkii 2008.

Waxaa uu sanadkii 2000 ka qalin jebiyay Machad Milateri oo ku yaala dalka Britain, waxaana sanadkii 2016 laga dhigay darajada ciidanimo Gaashaanle Sare.

Dadka falanqeeya siyaasada Uganda ayaa sheegaya in Museveni uu wiilkiisa u diyaarinayo sidii uu xukunka ugala wareegi lahaa.