Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Xukuno Kala Duwan Ku Ridey Dhalinyaro  Ku Eedeysnaa Falal Kala Duwan Iyo Dhalinyaro

Gudoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi “Beer-geel” oo isagu qaadayay dacwada dhalinyaradan ayaa xukunkii dacwadaasi kaga dhawaaqay fadhigii ugu danbeeyey.dhagaysiga dacwadan ayaa qabsoontay 28 bishii December ee sanadkan ina dhaafay ee 2016-ka.

Waxaana magacyada afarta eedaysane ee kowaad isla markaana dambiyadii lagu eedeeyey ay ku cadaadeen ayaa waxa kamid ah

  • Maxamed Cumar Muxumed oo 20 jir ah
  • Fadxi Mustafe Cumar “Casaanyo” oo 20 jir ah
  • Mubaarag Ibraahin Muxumed (Maqane)
  • Guuleed Cabdi Cabdilaahi (Maqane)

 

waxaana uu gudoomiyuhu sheegay inay dhamaantood ay ku cadaatay oo ay ku gafeen qodobka fakasho xadhig sharci ah iyo xeerka xakamaynta hubka oo ay siteen hub aanay sharci u haysan.

Dhalinayaradan afarta ah ayaa waxay maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay qofkiiba Lix Bilood oo xadhig ah oo loo cuskaday qodobka 124 ee xeerka ciqaabta.sidoo kalena waxa ay maxkamaddu la wareegtay laba baastooladood oo ay kala haysteen labada eedaysane ee Maxamed Cumar Muxumed iyo Mubaarig Ibraahin Muxumed,waxaana xadhigooda u dheeraa min 3 milyan oo somaliland Shilling ah.

Dhanka kalena maxakamadda degmada Hargeysa waxay baabiisey ama ay laashay 314 iyo 315 ee xeerka ciqaabta guud isla markaana lagu soo eedeeyey afar dhalinayaro ah oo loo haystay fal dambiyeed ah inay khal khal galiyeen diinta islaamka isla markaana ay ka baxeen diinta Islaamka,dhalinyaradaas oo ay ciidamada amaanku soo qab-qabteen badhtamaha sanadkii galbaday ee 2016-ka,taas oo ay maxkamaddu cadaysay in loo waayey markhaati ku cadeeya kiiskaas,sidoo kalena waxay maxkamaduu sheegtay inay dhalinyaradaa lagu soo eedeeyey inay diinta ka baxeen ay maxkamadda horteed ka ashahaateen oo sidaasna diinta ugu jiraan aanayna ka bixin