Meherkii sanadka iyo xusuusta madashii deegaanka ceel Giniiseed Ee Dhaqanka iyo Mudaneย Cumar Muxumed Cali (Cumar Looyar) Iyo Marwo Khadiija Haybe Cumar Magan,
GABILEY(GNN) 15/01/2017 Madashan Oo Ahayd Mid Lagu Boqrayey Yagleelka Qoys Cusub oo Ku Soo Biiray Qoysaska Islaamka Ayaa Ka Dhacday Deegaanka Ceel-giniiseed oo ka tirsan gobolka gabiley Eeย ย Caanka Ku Ah Bustaanada Iyo Beeraha Khudaarta, Waxayna munaasibadaniย Dib Kuu Xusuusinaysay Dhaqankii iyo Hidihii Somalidu Caanka Ku Ahayd, Waxaana Sidii Somalida Lagu Yaqaanay Madashani Ahayd Mid Ka Dhacday Geed hadhaca ย Hoostiisa, kaasi oo lagu soo dadbay amaba lagusoo wareejiyay kabdii xariirta ahayd kaasi ahaa ย ย ย Dhaqan iyo Caado ugu Ahayd Dadka Somalida In Wakhtiga Gabdhaha Lakala Guursanayo Loo Geed Fadhiisan Jiray, Waxaanay Madashani Dib Kuu Xasuusinaysay dhaqankii iyo Hidihii Somalida Ee Guyaal Hore Lagu Yaqaanay,
Munaasibad ayaa saaka galinkii hore waxay ka dhacday deeganka ceel giniiseed iyo Beertii Mujaahid Haybe Cumar Magan waxaana kazoo qaybgalay badi haldoorka Somaliland iyo guud ahaanย gobolka gabiley haday tahay Siyaasiyiin, madax dhaqameed, xildhibaano iyo dhalinyaro tiro badan.
Waxyaabaha Sida gaarka ah kusoo jiidanayay ayaa waxaaย xusid mudan Bilicda iliqabatiga ah ee Beeraha iyo Bustaanada Ceelginiiseed Oo Ah Dhul Hodan Ku Ah Biyaha Ceelasha Aan Gu iyo Jiilaal Gudhin Ayaad Indhuhu Soo jiidanayeen Quruxda Dhulka Iyo Beeraha,
Hadaba Madashan Oo Ahayd Mid Si heersare Ah Loosoo Agaasimay Ayaa Kulmisay Gayaan Iyo Gacalย taasi oo ย Dib U Xasuusisay Sidii Waayo Qaar Laysku Sooryeyn Jiray, Waxaa Madashan Lagu Yagleelayey Qoys Cusub Oo Nolosha Ku midoobay, ย oo kala ah Marwo Khadiija Haybe Cumar Magan iyo Mudane ย Cumar Muxumed Cali (Cumar Looyar)
Waxaa qoyskan cusub Hambalyo Meher Waxan hawada umarinaya
Mujaahid Cabdikariin Sheekh Maxamed
Muuse muxumed Guuleed (Muuse Inji)
Cheef Caaqli Dayib Cabdi Ciidle
Oday Xaashi Cismaan Dholaal
Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar)
Mustafeย Nuur
Xildhibaan ย Sangub
Axmed Aadan (Axmed Gacan)
Abtiyo Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan iyo Xaasaskiisa iyo caruurtiisa
Abtiyo Xirsi Maxamed Sheekh Saleebaan iyo Qoyskiisa
Iyo Guud ahaan Reer Maxamed Sheekh Saleebaan oo ku kala Nool Dalka Gudihiisa iyo dibadiisaba.
Sidoo Kale waxaa Hambalyo Aaan lasoo Koobi Karin Hawada Umarinaya Qoyskan Cusub
Bahda Shabakada Wararka eeย Gabiley News Network
AQAL GALKIINA KU GAADHA BASH BASH IYO BARWAAQO
AAMIN AAMIN























