Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Xadhiga Axmed Safiina, Iyo Eedihii uu U Jeediyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid.

Hargeisa(GNN):-Xisbiga WADDANI  Ma laga Yaabaa in Xisbigu Masuul ka Noqdo Wax kasta oo Gaadhay Ganacsade Maxamed Aw Siciid Iyo Masuulka ka Tirsan Xisbigooda Ee Iyagu ay u Xambaariyeen Miinada Dhagaraysan.!!!

KEE BAA KEE AH?

Waxa la yidhi booraan hadimo ha qodin ku dhici doontana mooyaane. Ninkan ama isaga ayaa beenaale noqon oo wax shirqoolay ama isaga ayaa run sheegayay oo la shirqoolay. Saw ninka warqadaha dacwadda ah ka qoray Ganacsade Maxamed Siciid Geedi ee cadaymaha u haya inu xuutiyiinta taageero oo xashiishadda ka ganacsado maaha? Hadii xadhigiisu halkaa yahay Waddani waxan leeyahay gar eexo ha qaadina. Masabidka iyo beentana iska daaya markuu dilka wax la beegsanayay waa u sacbinayseen oo waa ku faraxsanaydeen eh.

Kenya in sifo sharci darro ah ay ku xidhay iyo in kale go’aanka ma Waddani baa gaadhaya? Anigu ma hayo faahfaahin laakiin hadii aad dawlado waraaqo u qorto oo weliba arin xasaasi ah oo amnigooda khuseeya arinku yahay wax fudud maaha dabcan ciddii aad eedaysay xaq waxay u leedahay inay is daafacdo. Isaga xaq waxaa loogu leeyahay inu cadeeyo eedihii uu dusha ka saaray Maxamed Siciid. Markaa Maxamed Siciid ma waxa la diidan yahay inuu is difaaco oo in aanu dembiile ahayn ee laga been abuuray oo la shirqoolay cadeeyo?

Waa hadii arinkani ku lug leeyahay wixii uu akhriyay ee uu lahaa waxan hayaa cadaymihii.

Sheekadu hadda waxa cad in aanu warkii wiilku sheegayay wax shakhsi ahaa isaga ku koobnaa ahayn ee uu ahaa war ka soo baxay xisbiga WADDANI ee ma laga yaabaa in xisbigu masuul ka noqdo wax kasta oo gaadha Ganacsade Maxamed Siciid iyo/ama masuulka ka tirsan xisbigooda ee iyagu ay u xambaariyeen miinada dhagaraysan

 

Ugu dambaystii labada dhinac dhinac waliba waxa uu xaq u leeyahay inu helo cadaalad. Warkuna wuu cadaan runtuna way iman doontaaye aan sugno oo ha la joojiyo hiilka indho la’aanta ah.

Anigu mar kasta waxan la jiraa madluumka waxan ka dhan ahay daalinka ee aan sugno kee baa kee ah inta aynu kala ogaanayno