“Puntland Waxay La Wareegaysa Qori Dable Oo Ay Doonayso Meelay Ku Dhejiso…..” Cali Khaliif Galaydh.

Kadib Markii Faro Gelin Ay Dawlada Xamar Ku Samaysay Wada Hadaladii U Furmay Somaliland Iyo Cali Khaliif Galaydh,Waxaa Muuqatay Inaanay Raali Ka Ahayn Faro Gelinta Qaawan Ee Ay Bilawday Dawlada Xamar Ee Uu Hogaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud,

Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Ayaa Dhankiisa Ka Hadlay Arimo Kuseeya Somaliland Iyo Kooxda Cali Khaliif Oo Maamulka Punland Damacsan Yahay Inuu Caqaladeeyo,Cali Khaliif Oo Arintaas Ka Hadlaaya Ayaa Yidhi,Maamulka Punlad,Waxay La Ordayaan Qori Dable Oo Ay Ku Gubayaan Dadka Dega Deegaanada Sool,Buuhoodle Iyo Sanaag,Markaa Waxaan Leeyahay Xasardiina Uma Baahnin Umada Aanu Madaxda U Nahay Anagay Noo Igmatay Masuuliyadoodii,Cid Kasta Oo Ka Hor Timaada Wada Hadalada Noo Bilaabay Somaliland Iyo Khaatumana Gacan Bira Ayaanu Ku Qabanayna Waxaanan Rajaynayaa In Wada Hadaladaasi Ku Dhamaadaan Is Af,garad,

Hadalkan Ayaa Kusoo Beegmaya Kadib Markii Maalintii Shalay Uu Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari Ee Somaliland Sheegay Inay Dawlada Xamar Iyo Maamulka Punland Ku Foogan Yihiin,Sidii Ay Colaad Dib Uga Hurin Lahaayeen Gobolada Bariga Isaga Oo Fariina U Diray Dawlada Federaalka Somaliya,Uguna Baaqay Inay Joojiso Fara Gelinta Aanay U Meel Dayin Ee Ay Ka Wado Gobolada Bariga Somaliland