SICIR-KORODHKA Maxay DIINTA ISLAAMKU Ka Tidhi- Maxaa La Gudboon Xukuumadda, Tujaarta Iyo Bulshada!

Ilaahay waxuu aayad macnaheedu yahay inoogu sheegay in wax walba xalkeeda laaga helayo, “Wax aanu kaga tagnay kitaabka sheegistiisa ma jirto” taasoo inna faraysa in dhibaato kastoo bulshada kula soo gudboonaata waayahooda nololeed inay u doontaan xalkeeda.

haddaynu u soo laabano mushkilada sicir-korodhka mudooyinkii u dambeeyey bulshadeena haysatay iyo dhibaatooyinka abaaraha baahsan ee haysta inta badan bulshada xoolo-dhaqatada iyo inbadan oo cidhiidhiga dalkeena iyo dunnida islaamka ummadahooda haystaba, waxa lama huraan ah inaynu uga raadsano xalkeeda kitaabka Alle iyo waxa diinta islaamku ka tidhi, iyo sida looga baxi karo xalkeeda.

khudbadii jimcaha maanta oo Masaajidka Ibraahim-dheere kaga hadlayey sheekh Almis Xaaji Yaxye dhibaatooyinka sicir-korodhka iyo waxa diinta islaamku ka tidhi, sida waxay ku sheegtay xalkeeda in lagaga bixi karo ayey hadalkiisa ka mid ahaayeen, diinteenu way inoo sheegtay in kheyrkii ummada islaamku soo maray qarniyadii ugu horeeyey, isla markaana qarniyada ugu dambeeya soo mari doonaan dhibaatooyin hadday noqoto sicir-korodhkan, abaaraha iyo mushkilad kastoo soo waajahda, sababna u tahay dunuubta dadku gacmahooda ku sameeyeen, sida aayad quraanka oo macnaheedu ahaa, “ Idinma haleesho mushkilad, hadii ay timaadose waa waxii aad gacmahiina ku kasbateen, inkastoo wax badan la idinka dhaafay’.

sheekh Almis ayaa sheegay in dhibaatadan sicir-korodhku wadato halista faqriga oo ku baaha guud ahaan bulshada, maantana inta ugu badan dadkeenu waajahayaan, una sii dheer tahay dhibaatooyinka ku lamaan faqriga oo ka mid tahay dunuubtu, ilayn meesha faqrigu soo galo waxa la socda dunuubtee, hadday tahay beenta, xaasidnimada, sinada, wax kastoo xun, inta badan dadkuna ugu dhacayaan baahida iyo habrashada.

haddaba, marka sidaa diinteenu inoogu sheegtay sababaha keena dhibaato kasta, ha noqoto sicir-korodh, abaaro iyo mushkiald kastoo soo waajahd ummadeena Somaliland yo guud ahaan ummada islaamka, ayaa isagoo Sheekh Almis ka hadlayo xalka looga bixi karo ee diinteena islaamku inoo sheegtay waxuu ku soo koobay saddex tallo oo Xukuumada, tujaarta iyo bulshada Somaliland iyo guud ahaan islaamka u soo jeediyey.

Xukuumada iyo masuuliyiinta ummada xilkeeda haya waa waajib saaran, Ilaahayna maalinta aakhiro kala xisaabtamayo inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka maanta bulshada Somaliland haysta, uguna horeyso sicir-korodhka xad-dhaafka ah ee maciishadihii daruuriga ee dadku quudanayeen ku soo kordhay, taasoo mushkilad Ilahay qiyaasi karo keligii sidday u saamaysay danyartii dadkeenu u badnaa keentay, waxaana looga baahan yahay inay si degdeg ah u soo farogeliyaan xal u raadinteeda, isla markaana dejiyaan siyaasad qiimo go’an oo danyartu awoodi karto in lagu iibiyo maciishada quutul-daruuriga ah, khasabna lagaga dhigo cid katoo ganacsato ah inay ku iibiso qiimaha loo gooyey, qofkii ka talaabsadana sharciga la horgeeyo.

Sheekh Almis ayaa sheegay in ijtimaaca culimada islaamku ogolyihiin marka xaalad noocan oo kale timaado in xukuumada talada haysa qaado talaabooyin ay ku fududeynayso culayska bulshada kala soo gudboonaada sicir-korodhka, una goyso qiimo go’an in lagu iibiyo maciishadaha la quuto sida bariiska, sonkorta, saliida, daqiiqda iwm, taasoo wadamada caalamka hadday noqoto reer Galbeedka dimoqraadiyada iyo ganacsiga xorta ah ku dhaqma, iyo wadamada carabaha tahaba, wax diidayana jirin, waxay kaloo xukuumadu samayn kartaa inay soo iibiso raashinka quutal-daruuriga, sidaana uga sii iibiso ganacsatada, six al loogu helo culayska bulshada wakhtigan haysta, hadday talaabada qaadi weydana waa masuuliyad ay dayaceen oo Ilaahay maalinta qiyaame kala xisaabtami doono.

Tujaarta reer Somaliland waan u duceynaynaa in ilaahay u barakeeyo tijaaradooda, waxaanse kula dardaarmaynaa inay ummadooda u naxariistaan wakhtigan adage e ay marayaan, iskana ilaaliyaan in damac faa’iido raadis u horseedo tudhaale la’aanta ummadooda, taasoo gayeysiin doonta, halis aakhiro, sda xadiis nebigeenu CSW macnahiisu ahaa, taajir walba aakhiro waxuu soo bixi doonaa isagoo dambiile ah, kuwa naxariista, ee u dhibranaada umadooda mooyee., haddaba waxa la gudboon ganacsatadeena iyo cid kastoo saamayn ku leh cidhiidhiga sicir-korodhka maanta haysta bulshada danyarta dalkeena inay u tudhaan aakhiradooda, una naxariistaan naftooda iyo nafaha walaalahooda muslimiinta.

ugu dambayn Sheekh Almis ayaa u soo jeediyey guud ahaan ummada Somaliland iyo ummadaha islaamka caalamka inay u soo noqdaan Ilaahay, isla markaana dembi-dhaaf weydiistaan, si dhamaan cidhiidhiga haysta ugu helaan faraj, sida Ilaahay quraanka inoogu sheegay aayad macnaheedu tahay, hadii ay ku toosaan dariiqa, waxaanu ku soo butaacin lahayn biyo macaan, haddaba, si ilaahay inoogu furo albaabadiisa naxariista waxa innala gudboon qof kastoo innaga mid ah inuu Ilaahay u soo noqdo, dambi-dhaafna weydiisto, oo quluubteenu saafi u noqoto walaalaheena kale, taasoo xalka aynu kaga bixi karno dhibaatada inna haysata ku jiro, hadii kale, ogaada, inaanau inoo sugnayn meelo kaloo aynu faraj u doonano innaga saarana dhibaatooyinka is-biirsaday ee maanta dalkeena iyo dunida islaamka ka jiraba, Ilaahay dhamaanteen dariiq xaqa ha inna waafajiyo, Aamiin.

Qalinkii: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleeye).

Exit mobile version