Telesom Shirkad Aan La Mahadin $500,000 Telesom Ma Iyadaa Bixisay!!!?

Dhalinyaro Baadhitaan Ku Soo Sameeyay Halka Ay ka Timid Lacagta Telesom Abaaraha Ugu Deeqday.

Shirkada isgaadhsiinta Telesom ayaa bixisay $500,000 iyagoo sheegay inay ku bixiyeen Abaaraha .
Aniguse ma qabo in ay lacag ay leeyihiin ku bixiyeeen maxaan u daliishaday ?bal adba ila eeg si caafimaad qabta.
Numberada telesom waxay ka bilaabmaan 4000000.,waxayna ku dhamaadaan 4999999. Waa numbarada ka bilaabma 40-49
Waxaad kala goysaa labadaa number
4999999-4000000 =999999 oo lagu qiyaasi karo 1000,0000 numberada Telesom ee shaqeeyaa waa halkaa milyan .
Waxaanan tirada ku darin numberada ka bilaabma 33 oo aanan tirada ku darin anoo u dhaafay kuwii karaash garoobay .
Hadaba waxaan iyana isla qirsanahay in bishii Dec ee 2016 ugu danbaysay aanay Telesom macaamiisheeda ugu shubin Abaal marintii u danbaysay .
Celceiska Abaal marintii dadka ka baaqatay ka soo qaad in ay ahayd 0.5 qof walba .
1000,000(0.5) = $500,000 .
Haddaba saw lama odhan karo lacagtii umada ayey ku bixiyeen abaaraha markaas ayey sheegteen iyagu malahayga haa .
Haddii kale waxay inoo sheegi lahaayeen in Abaal marintii la joojiyey.bal adba fikirkaagu waa muhiim .
Shirkadan dhiig miiratada ah ayaa Taawaradeedu shucaaca ay soo daayaan halis ku yihiin bulshada la jaarka ah oo aan wax mag dhaw ah ka bixindoonin .
Iyadoo la odhan karo waxay qiimaha sixirka lacagtana ay masuul ka tahay in bulshada danyarta ah lacagta shilinka ah ku qiima tiraan .
Waxa si wada jir ah u baadhay Mustafe Mustafa Ahmed Hurre iyo Ismail Khaliif Aden .

Xigasho: MUSTAFE AXMED iyo ISMAACIIL KHALIIF AADAN.