Hargeysa(GNN)-Wafti balaadhan oo ka socda dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ee Somaliland ka taageera arrimaha dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka ayaa la filayaa inay safar shaqo ku yimaadaan caasimada Hargeysa maanta oo axadd ah bishuna tahay 22-January.2017-ka.
Waftigan balaadhan ayaa qorshohadoodu yahay inay Somaliland joogaan muddo laba maalmood ah,waxaana la filayaa inay inta ay joogaan kulamo kala duwan la qaataan xukuumadda Somaliland gaar ahaan madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo madaxda saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,UCID iyo WADDANI,sidoo kalena waxa la rajaynayaa inay iyagana kulan la qaataan qaar kamid ururada bulshada rayyidka ah ee Somaliland.
Waftigan ka socda dalalka qaadhaan-bixiyayaasha iyo madaxda Somaliland ayaa sida qorshuhu yahay ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ay ugu muhiim yihiin doorashooyinka iyo abaaraha qalafsan ee ka taagan dalka ,iyaga oo soo bandhigi doona mawqifka la xidhiidha dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada oo u muddaysnayd inay qabsoonto 28 bisha March 2017-ka .