War Deg Deg Ah Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Magaalada Ceerigaabo iyo Laba Kale Oo Ku Dhaawacmay

Ceerigaabo (GNN) Alle Haw Naxaristee Hal Qof Ayaa Ku Geeriyooday Laba Kalena Way Ku Dhaawacmeen Kadib Marki God  Suuli OO Ay Qodayeen  Ay Ku  Biiroodeen(Ku Neef qabatobeen).

Sidaasina Waxa  Shabakada Gabiley.net U Xaqiiyiyay Qof Goob Joog aha Wuxuna Intaasi Ku Siidaray In Mid Kamida Dadka Dhaawacmay Uu Kamid Ahaa Dadka U Soo Gurmaday  Hase Yeeshee Isna Uu Ku Biirooday Xili UU Isku Dayay In Uu Soo Badbaadiyo Marxuumka Ku Geeriyood Oo Magaciisa Lagu Soo Gaabiyay Muuse Hase Yeeshee Ii Isaga Laftiisu Sigtay Waxana Durbadiiba Arkay Dadkii Xadhiga U Hayay Ee Dusha Joogay Kuwaasi Oo Si Deg Dega Xadhiga U Soo Daabulay Sidaasina Dibada Ku keenay.

Waxana Labada Nin Ee Dhaawacaa ah Lagu Daweynayaa Cisbitaalka Guud Ee Magaalada ceerigaabo Halka Marxuumkii Geeriyoodayna Godkii Loogu Degi Kariwaayay Oo Uu KU Jiro  Sidaasina Waxa Shabakada Gabiley.net U Sheegay Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee magaalada Ceerigaabo

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Fadlan kala Soco Wararka Yaga Danbe

 

Exit mobile version