Wasiirka Dalxiiska oo caddeeyay qorshaha uu shaqada ku bilaabayo

Hargeysa (GNN)- Wasiirka Wasaaradda cusub ee Dalxiiska iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal lagu dajinayo xeerkii iyo shuruucdii dalxiiska iyo dalxiisayaasha oo aan hore uga jirin dalka.

Wasiir Khadar Xaaji, ayaa sheegay in Wasaaradiisa cusubi ay tahay mid baaxad wayn oo u baahan in tacab badan la geliyo, waxaannu tilmaamay in ay wadaan qorsheyaal ay dib ugu soo celinayaan dhulkii goobaha dalxiiska ee gacanta dawladda ka baxay.

“Wasaaradda Dalxiisku waxa ay ka tirsanayd Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, hawlaheedana wasaaradaas ayaa gacanta ku haysay, waxaanna ay u shaqayn jirtay si aan xawli ahayn, markaa imika oo aanu doonayno in aanu bilawno shaqadii wasaaradan, waxa aanu ugu talogalnay qorsheyaal badan, markii aanu guddo galnayna waxa aanu ogaanay in ay tahay wasaarad hawsheedu mid aad u baaxad wayn oo u baahan in tacab badan la galiyo,”.ayuu yidhi Wasiirka oo maanta u warramay HCTV.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Dalxiisku yahay meelaha ay dhaqaalaha ugu badan ka helaan dalalka caalamku, isla markaana Wasaaradiisu aanay ahayn mid kooban, waxaannu yidhi, “Dad badan oo dalxiisayaala ayaa wadanka aad u yimaada oo shirkado badani ay soo casuumaan, kolay qorsheyaal badan ayaan dajin doonaa iyo shuruucdii dalxiiska lagu maamuli lahaa iyo goobihii dalxiisku lahaa oo aad u faro badan, goobihii aataarta qadiimiga ahi ay taalo oo aad u faro badan. waana hawl aad u ballaadhan.”
“Waxaan doonaynaa in hawlahaas oo dhan in aanu midayno oo aanu wasaarada hoos keenno, dhulkii faraha badnaa ee ka maqnaana aanu u soo celino, umana arko in ay tahay wasaarad yar, bishaa aan joogayna mashquulkeeda iyo hawlaheeduna aad ayay u badnaayeen, dalxiiskuna waa meelaha dhaqaalaha ay ka helaan dalalka caalamku,”ayuu yidhi Wasiirka cusub ee dalxiiska iyo dhaqanku. Haseahaatee labada waaxood ee ay Wasaaradan cusub lagu aasaasay wali kalamay wareegin Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ciyaaraha oo ay ka tirsanaan jireen.