Hargeysa(GNN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad colaadeed dib uga soo cusboonaatay gudaha magaalada Laascaanood iyo deegaanada koonfurta gobolka Sool oo dhawaan dirir khasaare sababtay ku dhex martay labada beelood oo wada daga deegaanadaasi.
ilaa hadda lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rasaastan la is waydaarsaday,balse xogaha ayaa noo sheegay in 2 qof oo middi gabadh tahay ay ku dhacday rasaastu isla markaana uu soo gaadhay dhaawac.
Dhanka kale deegaanada koonfurta gobolka Sool oo ah deegaanada ay ood wadaagta ku yihiin labada beelood ee colaadu mar kale ka dhex istaadhantay ayaa waxa laga soo sheegayaa in laga dareemayo sansaan colaadeed iyaga oo halkaasina ay ka socoto hub iyo ciidan urursi labada dhinac ah,waxaana labadan beelood ee dirirayaa ay kala yihiin beelaha baharsame iyo Qayaad.
Gabagabadiina labadan beelood ayaa hore waxa u dhex martay shaqaaqo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kuwaas oo dhawr jeer ay soo noqnoqotay dagaalkoodu,balse waxa dhawaan labada dhinacba laga dhaariyey odayaal iyo madax-dhaqameed loo xil saaray daminta colaadan sokeeye ee ka dhex tagaan labadan beelood ee walalaha ah ee wada daga deegaanada koonfurta gobolka Sool.