2,500 Oo Muhaajiriin Oo Laga Soo Badbaadiyay Badda Mediterranean –

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku dhawaad 2,500 oo muhaajiriin ah kasoo badbaadiyay bada Mediterraneanka saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku dhawaad 2,500 oo muhaajiriin ah kasoo badbaadiyay bada Mediterraneanka saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

1,100 ayaa laga soo badbaadiyay

sagaal doomaha xeebaha Liibiya khamisti, halka 1.360 kale laga soo saaray badda Talaadadi iyo Arbacada.

“Xaaladdu waa mid dheeraad ah ka daran sidi hore,” ayuu yiri Mathilde Auvillain, Afhayeenka, markabka samatabbixinta ay maamulaan SOS Mediterranee iyo Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF).

Tan iyo bilowgii sanadka, waxaa jiray in ka badan 10,700 oo qaxootiga badda laga soo badbaadiyay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha khamiisti, saddex meelood oo meel ka badan isla muddadaas sannadkii la soo dhaafay.

 

Dhanka kale, maydadka 27 tahriibayaal ah ayaa laga helay galbeedka Liibiya, 13 kuwaas oo u dhintay naqaska oo ku dhagay, sida ay xaqiijiyeen laanqeerta cas.