Akhriso Warsaxaafadeed Uu Madaxweyne Siilaanyo Soo Saaray Ka Hor Intii Aanu Dalka Ka Bixin.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland;
Markuu Qiimeeyey: Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo;
Wuxuu Go’aansaday
In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL