Ciidamada Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Ka Tirsan Kooxaha Argagixisada Ah ee Somaliya Ka Dagaalama
Hargeysa(GNN)-Ilo Wareedyo u dhuun daloola hay’adaha Laamaha amaanka iyo sirdoonka Somaliland ayaa sheegaya in todobaadkii u danbeeyey ay ciidamada booliska Somaliland magaalada Hargeysa ku qab-qabteen laba xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Somaliya,kuwaas oo midkood la sheegay in lagu qabtay madaarka magaalada Hargeysa isaga oo kasoo dagay halka ka kalena la sheegay in lagu qabtay xaafadda Total ee magaalada Hargeysa.
Xogaha aanu helayno ayaa waxay sheegayaan in labadan xubnood ee ay ciidanka boolisku qabteen ay ciidanka Sirdoonka tuseen warqad cafis ah oo uu ku saxeexan yahay taliyaha ciidanka Baadhista danbiyada Somaliland,taas oo sheegaysa in aanu wax danbi ah lahayn.Nimanka lala xidhiidhinayo kooxda Al-shabaab ee ay ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in ay ciidanka Sirdoonku wali wadaan qorshihii gacacntooda loogu soo gali lahaaa labadan nin iyaga oo la sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Boolisku.Labadan nin ayaa waxa la sheegay in midkood ka yimi magaalada Laascaanood iyaga oo ciidamada booliskuna ay wakhti badan ku daba jireen soo qabashadiisa.Ilaa hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay labadan nin ee lala xidhiidhinayo kooxaha Argagixisadu ay u yimaadeen magaalada Hargeysa,ciidamada booliska Ayaan iyaguna ilaa hadda ka hadal qabashadan labadan nin ee ay gacanta ku dhigeen.Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa iyagu hadh iyo habeen heegan ugu jira sidii ay u ilaalin lahaayeen amniga iyo xasiloonida Somaliland.