Daawo:Oqoonyahan iyo Dhalinyarada G.Togdheer Oo Ka Hadlaya Sida ay u Arkaan Ansixinta Saldhiga Meleteri Ee Emaratka ee Magaalada Berbera + SAWIRO.

Dhalinyarada Aqoon Yahanka Gobolka Togdheer Ayaa Maanta Kulan Ay Ku Qabteen Hotel Tawakal Ee Magaalada Burco Waxay Si Wada Jira U Taageereen Saldhiga Millatary Ee Dalka Imaaradka Carabtu Ka Samaysanaayo Magaalada Berbera Iyaga Oo Ku Tilmaamay Inay Tahay Guul U Soo Hoyatay Qaranka Somaliland,Oo Libteeda Leeyahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo

Sidoo Kale Aqoon Yahankan Ayaa Sheegay In Horumarka Dalka Aanu U Joogsanayn Dad Tiro Yar Oo Dano Gaara Leh,Iyaga Oo Golayaasha Qaranka Ugu Hanbalyeeyay Ansixinta Ay Maalintii Shalay Meel Mariyeen Heshiiskii La Soo Hordhigay Waxaanay Dhalinyaradani Si Wadajira Ugu Hanbalyeeyay Go,aanka Ay Qaateen Labada Golle Qaran Sidii Kale Waxay Madaxweynaha Somaliland Ku Hanbalyeeyeen Xidhiidhka Iyo Saaxiibtinimada Cusub Ee Madaxweyne Siilaanyo Horseedka Ka Yahay Ee Uu U Furay Dalka Imaaradka Carabta Iyo Xukuumada Somaliland

Gabiley.Net

 

 

 

 

 

 

 

 

Exit mobile version