Dag Dag Gudoomiyihii Waxbarashada Degmada Tog-Wajaale oo Xilka Laga Qaaday Xabsigana Loo Taxaabay.

Gabiley(GNN) Gudoomiyihii Wax Barashada ee Dagmada Tog Wajaale islamarkana Ahaa Maamulihii Dugsiga H/Dhaxe ee Dagmada Tog-Wajaale Dhuux Cali Caqli Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay, Kadib Markii Sida La Sheegay Lagu Sameeyay Xil ka Qaadis, Ay Inta Badan Shacabka Reer Tog-Wajaale Ay ka biyo-Diideen taasi oo dib loogu soo Magacaabay Mas’uul Sadex ilaa Afar Bilood horteed lagaga qaaday Hawlo Musuq-Maasuq..
Inkasta oo aan Illaa hada la sheegin Sababta Loogu taxaabay Xabsiga Gudoomiyihii Waxbarashada Degmada Tog-wajaale Iyo Waxa lala xidhiidhinayo Hase-yeeshee sida ay sheegayaan Illo-Wareedyada ka ag-dhaw Waxbarashada Degmadu ay Sheegeen In Maamulaha Dugsigani ay u xidhan tahay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka oo ku dacweeyey in Wiil ay dhashay Jid-Gooyo ku sameeyey. taasi oo Xadhigeeda uu uu Ku Wahelinaayo Wiil Ay Dhashay .
Dhawr-Jeer oo aanu isku daynay in aanu wax ka ogaano Xadhigan iyo Waxa sababay oo aanu kala xidhiidhnay dhinaca Maxbuuska iyo Mas’uuliyiinta Amniga ee Heer Gobol iyo Heer Degmo way noo suurto-gali wayday.
Dadwaynaha Reer Tog-Wajaale ayaa si wayn isu waydiinaya Baahida keentay in Maamulihii Sadex ilaa Afar bilood lagaga badalay Hawlaha Musuq-Maasuqu in mar labaad dib loogu soo celiyo, taasi oo ay Aamin san yihiin in la caayayo Caqliyada Shacabka ku dhaqan Degmada Togwajaale iyo Bahda Waxbarashada ee Degmada…

Gabiley.net

Wajaale Office