Dawlada Masar iyo Maamulka Cusub ee Somaliya oo Yeelanaya Iskaashi Balaadhan + Sawiro

Dawlada Masar Oo Kusoo Biirtay Wadamada Iskaashiga Dhow La Samaynaaya Dawlada Xamar Iyo Xidhiidh Cusub Oo Ay La Bilaabeen Xukuumada Faramaajo Wafdi balaaran oo ka socday dalka Masar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaas oo shir la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Farmaajo .

Wafuudaan ayaa dhambaal taageero ah waxa ay ka sideen Madaxweynaha dalka Masar Mr. Cabdul Fataax Al-Siisii kaas oo si weyn ugu hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed .

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Mr.Cabdi Salaam Hadliye Cumar iyo Danjire ku xigeenka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar oo shirkaan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in la isku af gartay sidii labada dal ay iskala shaqeyn lahaayeen dhanka Amniga , Ganacsiga iyo Diblomaasiyada .

Diblomaasiyiin iyo ergo ka socda dalal aad u fara badan ayaa maalmahaan dambe ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho si ay iskaashi dhan kaste ah ula yeeshaan dowlada cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo .



Gabiley.Net (GNN)