Deg Deg :- Saddex Qof Oo Caawa Lagu Dhex Toogtey Badhtama Magaalada Laascaanood Iyo Cida Toogatey .

Sool(GNN):-Waxaa caawa goor dhaweyd magaalada Laascanood ee xarunta gobalka Sool lagu toogtey saddex qof oo mid ka mid ahi ay tahay ruux dumar ah .

Toogashadan ayaa waxaa ay ka dhacdey badhtamaha magaalada waxaana saddexaasi qof toogtey dabley aan wali si rasmi ah loo aqoonsan cid ay yahiin, Goob joog u La Hadlay Shacabkada Gabiley News Network Oo U Xaqiijiyey Ayaa Sheegay In aanu Garanayn Cida Ay Ahaayeen Nimankan Madaxa Soo Duubtay.

 

Saddexda qof ee la toogtey oo laba ay rag yahiin hal qofna uu dumar yahay ayaa ku dhawacmey toogashadaasi waxaana hada laga dabiibaya cisbitalka guud ee magaaladaasi

Lasoco Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Dhacdadaasi Saacadaha Soosocoda.