Garyaqaan soo Dhaweeyey Saldhiga Militeri ee Dawlada Imaaraadku Somaliland ka Dalbaday

Hargeysa (GNN)- Garyaqaan Cumar Maxamuud Xuseen oo saxaafada la hadlay ayaa si adag uga jawaabay guddida xisbiga mucaaridka ah ee Waddani u saaray saldhiga milliteri ee imaaraadka Carabtu ka doonayo Somaliland inay ka siiso Gobolka Saaxil, kaasi oo xisbiga Waddani ka soo horjeestay.

Waxaanu yidhi Garyaqaanku “Waxaad ogaydeen in dekeda Berbera lagu wareejiyey Shirkada DP World, waxaanay noqotay mid faa’iido u ah dalka iyo dadka wax nusqaana oo ay inagu keentayna ma jirto, inagoon laylna ictiraafsanayn oo dhulka iyo badda baaxada intaa leeg haysana ee ay hadana ku soo hirteen dawladihii caalamku ay Somaliland amni bidaan oo ay yidhaahdeen waxa aanu dhisaynaa marso weyn, waxa aanu ka samaysanaynaa saldhig weyn waa guul qaranka jamhuuriyada Somaliland gaadhay, waa guul uu horseedka yahay Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, masuuliyiintii guddida isku sheegtay ee baarlamaankii dalka is mooday ee xisbiga Waddani waxan leeyahay golihii sharci dejinta ee waddanka ma tihin ee waxad tihiin xisbi mucaarad ah, go’aamada aad soo saaraysaana maaha go’aamo aad sharciyan u leedihiin, balse baaq waad soo saari kartaan oo waxaad diidi kartaan laakiin.

Haseyeeshe waxaan dhicin ama heshiis aan la meel marin inaad ka hadashaan in aydaan siyaasada u bislayn ayey muujinaysaa, arrintanina dalka ayey faaiido u tahay, ninka doonaya inuu dilaal noqdow dee sayladu way furan tahay laakiin tani maaha mid laga dilaalayo ee waa mid qaranka Somaliland faa’iido u ah ilmaha beri dhalanaya iyo ka maanta joogaba faaiido u noqon doonta, heshiis kasta oo la gelayaana qodobo ayuu ku salaysan yahay ilaalinta iyo adkaynta amniga Somaliland, madaxweynuhuna wada tashi iyo wada shaqayn ayuu dalka mar walba ku maamulaa DP world wadatashi ayuu ku keenay, shirkii somaliland iyo Soomaaliya wada tashi ayuu ku keenay mana ah nin digteetar ah oo kelidii go’aan qaata.
waxa aan aad iyo aad u soo dhawaynayaa in saldhigaa militeri imaaraadku Somaliland ka samaysto waxanan qabaa in ciidanka Somaliland faaiido badan ka helayaan.”