Haldoorka Dhalinyarada Aqoonyahanka Hargaysa Oo Casho Sharaf Maamuus iyo Mahadnaqa u sameeyay Gudoomiye Faysal  + Sawiro

Kulankan Cashor-sharafta ah ee ay dhalinyaradu u fidiyeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo xalay ka dhacay Hudheelka Hiddor-Dhawr ayaa daarnaa is xog-waraysi iyo muxaadaro (Lecture), uu u jeediyay Gudoomiyuhu dhalinyaradaasi, kaas oo ku saabsanaa Nabadeentii Somaliland ee 1996-kii Iyo Nabadeenta Hadda ka socota Gobolada Bari Ee Somaliland .

 

IMG_5703IMG_5704IMG_5705IMG_5706

Ugu horeen Gudoomiyaha ayaa si qotto-dheer uga warramay Sooyaalkiisi taariikheed, sidoo kale wuxuu dul-istaagay Taarikhdii Nabadeentii Somaliland Ee 1996-kii oo uu ka mid ahaa Guddidi Nabadda .
Gudoomiyuhu wuxuu ka waramay maraaxilkii Ay Guddida Nabaddu ay soo martay wakhtigaasi iyo duruufihii ku gadaamnaa, Caqabadihii ka hor-yimid iyo siday uga gudbeen .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka waramay dadaallada uu hadda ku jiro ee nabadeenta Gobolada Bari iyo midnimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in rajjo fiican ka qabaan in wada hadaladda Somaliland Iyo khaatumo .
Gudoomiyaha ayaa ka waramay maraaxilkii wada hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Soo mareen, waxaanu farta ku fiiqay caqabadaha hor taagan in Beelaha Deegaanka Gobolka Sool ay wax ula qaybsan la’yihiin dalkooda Somaliland iyo qaabka ugu haboon ee looga gudbi-karo .
Ugu danbeen Waxaa halkaasi ka hadlay laba ka mid ah dhalinyaradii Kulanka ku sugnayd, waxaanay ka markhaati-kaceen dadaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Galiyay midnimada iyo horumarka Somaliland, iyagoo sheegay in ay aad ula dhacsan-yihiin wadaniyadda Gudoomiye Faysal iyo daacadnimadiisaba .IMG_5705
Kulankan oo ay soo agaasimeen dhalinyaradu ayaa ahaa mid ay dhalinyaradu ay ugu mahad-naqaysay Gudoomiyaha dadaalkiisa uu ugu jiro Somaliland Midnimadeeda iyo wada jirkeedaba, waana Kulan ugub ku ah Dalka, maadaama aanay hore u dhicin kulan sidan oo kale ah oo kulmiya aqoonyahanka iyo labeenta dhalinyarada ku dhaqan Dalka Somaliland .
Dhalinyaradan ayaa waxaa si gaar ah u soo jiitay dadaalkii xooggana ee mudooyinkii u danbeeyay uu Gudoomiye Faysal cali Waraabe galiyay wada hadaladii Khaatumo iyo sida uu had iyo jeer uu danta guud, Wada-jirka Iyo Midnimada Somaliland uga shaqeeyo .