Maayarka Magaalada Gabiley Ayaa Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Dhalinyarada Somaliland Uguna Hambalyeyay Maalinta Loo Asteeyay Dhalinyarada

Gabiley(GNN) Gudomyaha Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley Ahna Duqa Caasimada Gobolkani Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Ku Hadlaya Magaciisa iyo ka Golaha Deegaanka Gabiley Waxa Uu Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Dhamaanba Dhalinyarada Reer Somaliland

islamarkaasina Ku Hambalyeeyay Maalinta Loo Asteeyay Dhallinyarada Somaliland Taasi Oo Dhawaan Uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Uu Dhawaan Ku Dhawaaqay Digreeto Uu Ku Magacaabayo In 20 Bisha Feb 2 /2017 Loo Aqoonsan Doono Maalinta Dhalinyarada Somaliland Waxanu Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi Uu Dhalinyarada Somaliland Ku Hambalyeeyay Maalintani Qaaliga ah Isagoo Allah Uga Baryay In Sanadka Sanadkiisa Bash,bash Iyo Barwaaqo iyowaliba Horumar Ku Gaadhsiiyo Dhamaanba Dhalinyarada Reer Somaliland

Maayar

Sidokale Waxa Uu Gudomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Uu Hambalyo Iyo Mahad Celin Usoo Jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Maxamed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Oo Uu Ku Tilmaamay Hogaamiiye Daacad Ah islamarkaasina Kaalin Aan La Hilmaami Karin Ugu Jira Horumarinta Iyo Dhiiri Galinta Dhalinyarada Somaliland Waxanu Ku Nuux Nuuxsaday Talaaboyinka iyo Farsadaha Qaaliga Ah Ee Uu Madaxwayne Siilaanyo Ku Talaabsaday Kuna Dhiiri Galinayo  Dhalinyarada isagoo Hoosta Ka Xariiqay Kaalmaha Muuqda Ee Dhalinyarada Somaliland Wakhtigani Ay Kaga Jirto Hogaaminta Talada Dalka Iyo Horumarkiisa

Waxanu Madaxwaynaha Uga Mahad Naqay Talaabadani Geesinimada Leh Ee Uu Ku Go,aansaday Islamarkasina Uu Ku Qoondeeyay in Maalintani Laga Dhigo Maalin Ugaar ah Ah Dhalinyarada Somaliland Waxanu Sheegay In Taariikhdu Xusi Doonto Madaxawaynaha Somaliland Iyo Dadaalka Uu Galiyay Dhalinyarta Dalka

Maalintani  20 BIsha February Ayaa Hore Ugu Taariikhaysan Islamarkasina Ku Beegan Maalintii Uu Dhacay Mudaharaadkii Balaadhnaa Oo Lagaga Soo Horjeeday Xukun Maxkamadeedkii Ururkii Dhalinyarada Ee (UFO) Mudaharaadkaas oo Lagu Magacaabi Jiray Dhagax Tuurkii Kaasi Oo  Ka Dhacay Hargeisa Waxanu Maayarku  Intii Ku Dhimatay Mudaharaadkaasi Alle  Uga Baryay In Uu  Naxariistii Jano Fardawsana Ka Waraabiyo Inta Noolna ILLAAHAY Cisi iyo Sharaf ku Nooleeyo

Gaba Gabadii Waxa uu Maayar Maxamed AMiin Cumar Cabdi Kula Dardaarmay Dhalinyarada Reer Somaliland in Ay Ka Qayb Qaataan Oo Ay Garab Istaagan Ilaalinta Nabadgalyada iyo Horumarka Ka Hilaacay Dalka

 

Gabiley.net

Office Gabiley