Madasha Wada-tashiga Somaliland oo Hadhimo Sharafeed ah u Sameeyay Xildhibbaanadii Ka Soo Horjeestay Heshiiskii Saldhiga Milatari ee Imaaraadka+SAWIRO

Hargeysa(GNN)-Siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka Somaliland, ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah ku maamuusay xildhibbaanaddii ka dhiidhiyey sida oo kale na ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan laga ansaxiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland oo dhammaa 23xildhibbaan oo ka soo jeeda Xisbiga WADDANI.

IMG_5185IMG_5186IMG_5187IMG_5188IMG_5189IMG_5190IMG_5191IMG_5192IMG_5193IMG_5194IMG_5195IMG_5196IMG_5197IMG_5198IMG_5199IMG_5200IMG_5201IMG_5202IMG_5203IMG_5205IMG_5206IMG_5207IMG_5208IMG_5209IMG_5210IMG_5186
Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb-galeen guddoomiyaha iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madashaasi, xildhibbaanaddii ka soo horjeestay heshiiskii Saldhiga Milatari ee Baarlamaanka, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa u hambalyeynta xildhibbaanddii ka dhiidhiyey iibinta iyo wareejinta dhaxalka umadda reer Somaliland iyo weli ba sida oo siddii mawqif adag oo mideysan loogga soo saari lahaa heshiiskii la fool eryey ee laga ansaxiyey Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay kulan hadhimo shara-feed ah ay ku maamuusaan xildhibbaanada iyo weli ba sida dadkii haldoorka ahaa ee sida adag uga soo horjeestay heshiiskaasi.
“Dhammaan ba dadka halkan iskugu yimi xildhibbaanada, dhallinyarada, aqoonyahanka, saxaafadda, Marwooyinka iyo inta kale ba waad ku mahadsan tihiin kulankan aad naga la soo qeyb-gasheen oo ujeedad aanu u qabanay qoladii Baarlamaanka ee Wakiilada ee maalintii dhaweyd wixii ka dhacay golahaas ka soo hor-jeestay , markaa waxa ay nooggu muuqatay in aanu qoladaas ku hambalyeyno, ku boggaadino oo ku dhiirino in aanay halkaas ka soo noqon oo Ilaahay cagaha dhulka ugu xejiyo, mana filaayo halkaa ay maanta gaadheen in ay ka noqonayaan, qolada kale ee maqana waxa aanu Alle uga baryeynaa in uu soo hadeeyo oo uu tuso in ujeedadii loo doortay ay weli halkii taalo oo ay baylah tahay, waajibka loo doortayna uu ka weyn yahay wax jeeb qaada, umaddaa aad arkaysaan ee abaarahu hayaan ee yar iyo weyn bal eh cidda xilkoodu saaran yahay waa cidda maanta Laaluushka kala qaadaneysa.”.Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac
Mujaahid Ibraahim Dhega-weyne oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay qaabkii uu Golaha Baarlamaanka uga dhex-dhaqmay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Gaal, isaga oo carabka soo mariyey hadalo hanjabaado ah oo u aadan Saleebaan Gaal.
“Ugu horreyn, waxa aan halkan uga mahad-celinayaa xildhibbaanadii sida geesinimada lahayd u diiday wixii wadankan ka dhex dhacay, waxa aanu lee nahay waad is muujiseen. Waxa aan lee yahay waa taariikh la la yaabaa in xildhibbaanaddii umaddu soo dooratay waxa uu ku galaayey Saleebaan Gaal, hada isaga cidi may soo daaran, ninka idin hor taagnaa isaga cidi may soo dooran ee bax idin ku lahaa ee idin saarayey umaddu may soo dooran oo maalintii dhaweyd ee daaqadda laga soo gelinaayey goob-joog baynu ahayn, markaasuu weli ba kibir uu ku darayaa maanta.”.Ayuu yidhi Ibraahim Dhega-weyne.
Marwo Faadumo Siciid oo iyadu na dhankeeda halkaas ka hadashay, ayaa waxa ay sheegtay beenoobeen arrimo badan oo ay Xukuumaddu sheegtay in ay ku jiraan heshiiskii Imaaraadka ee Saldhiga Milari, iyada oo sida oo kale dhaliilo u soo jeedisay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa.
“Waxa la moodaa in nin gunti xumi uu wax qarsanaayo, weligayna maan arag dawladdan KULMIYE mid ka gunti xun, wixii ay qarinaayeen oodhan waa taa maanta ku baahsan warbaahinta oodhan. Carabtii oodhan baa sheegtay oo wax ka qarsooni ma jirto. Been bay innoo sheegeen oo waxa ay yidhaahdeen waa 25sanaddood heshiisku laakiin beentood bay noqotay oo 36sanaddood bay noqotay. Been bay innoo sheegeen oo waxa ay yidhaahdeen anagaa saxeexnay se beentood bay noqotay oo dawladda Somaliyaa tidhi anagaa saxeexnay. Beentood bay noqotay oo waxa ay yidhaahdeen Iskutaga Imaaraadka oo keliya ayaa imanaya oo waxa ay noqotay Is huwanta illaa Sucuudiga iyo Masar iyo weli ba Mareykanka iyo meelo kale ba oo ku hoos gabanaaya. Qolyaha xildhibbaanada ee waxaas diideyna waanu dhiiri-gelinaynaa waana aanu u mahad-celinaynaa.”.Ayey tidhi Marwo Faadumo Sicii
Siyaasi Cali Cantari, Aqoonyahan Ibraahim Dubadd, siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge iyo weli ba Aqoonyahan Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ayaa iyagu na dhankooda si aada uga soo horjeestay heshiiskii laga ansaxiyey Baarlamaanka Somaliland, waxaana ay farta ku fiiqeen in heshiiskaasi aanu faa’iido iyo dantoona u lahayn qaranka Somaliland iyaga oo dhanka kale si aada ugu dheeraaday dhaliilo ay u soo jeediyeen Xukuumadda oo ay sheegeen in ay aad ugu dheeraysay boobka hantida umadda.
Xildhibbaan Baar Siciid oo ka mid ah xildhibbaanada Golaha Wakiilada sida oo kale na ka mid ah xildhibbaanadii ka soo horjeestay heshiiskii laga ansaxiyey Baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay wixii halkaas ka dhacay iyada oo sida oo kale na shacabka xusuusisay dhibbaatooyinka ka socda wadamada Islaamka ah in ay ku soo wajahan yihiin Somaliland.
“Aad iyo aad baanu horta ugu mahad-celinaynaa qolyaha Madasha, in badan baana aynu ka hadalnay waxyaabaha nasiib darada ah ee inagu soo wajahan, markaa marka aynu daawano Tv yada, waxa aynu aad uga xanuunsanaa dadka muslimiinta ah ee dhibbaateysan iyo caruurahooda dhibta loo geysto ee dhaawaca, geerida iyo caafimaad la’aanta ah ee qaxaaya ayeynu runtii aad uga xanuunsanaa se waxa aad moodaa in tii ay inagu soo wahan tahay oo arrintaas saldhigu kow ka tahay, anagu na taas baanu u adkeysan weynay oo aanu ka dhiidhinay.”.Ayey tidhi Xildhibbaan Baar Siciid
Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in ay guteen waajib ay lahaayeen isaga oo sida oo kale na iftiimiyey tirade xildhibbaanaddii ka dhiidhiyey heshiiskii Xukuumaddu dhex marstay Golaha Wakiilada Somaliland.
“Horta waan u mahad-celinayaa qolada Madasha Wada-tashiga Somaliland ee maanta noo sameysay qado sharaftan, anagu na dee waajib aanu lahayn baanu gudanay, amaana kuma lihin oo waanu ku qasbaneyn, dhaar Ilaahay baanu marnay, umaddaanu wakiil ka nahay, waanan idiin sheegayaa oo anagu 21 xildhibbaan baanu ahayn, 21 xildhibbaan baa golaha uga baxay dibadda. Wasiirada qaarna waxa aan ka maqlaayey weli ba Maxamuud Xaashi iyo Baashe Moorgan oo leh 28kii Xildhibbaan ee WADDANI baan u mahad-naqayaa, WADDANI ahaana 28 xildhibbaan ma nihin ee 27xildhibbaan baanu nahay ka WADDANI ahaan.Markaa shacbiyoow hadaad dooneysaan in ay cidhibi idin ka hadho dee meesha ka kaca oo ka hadla oo ka mudaharaada oo dhiidhiya oo ka ka caga fadhiya dee, ogaada na Xukuumaddu mar haddii ay tahay Xukuumad khaa’in ah wax ka xumi ma jirto.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble