Madaxweynaha Cusub Ee Somalia Oo Durba Samaystay Ciidamo Cusub oo Ilaalo u Ah

Madaxweynaha cusub ee habeenkii xalay ahaa loo doortey in uu dalka Somaliya

hogaamiyo afarta sanno ee socda Muddane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ilaalinta amnigiisa ku wareejiyey ciidan cusub oo aan hore u ilaalin jirin madaxweynayaasha dalka Somaliya

 

Muddane Farmaajo waxaa uu ilaalinta amnigiisa ku wareejiyey ciidanka nabad sugida dalkaasi ee lagu magacaabo NISA

Waxaa xusid muddan in madaxweynayaasi hore ee dalkaasi aanay amnigooda masuul ka ahey ciidanka NISA balse ay ilaalin jiren ciidanka nabad sugida dalkaasi u jooga ee AMISOM

 

Exit mobile version