Mishiinka Dawlada Marwo Samsam Cabdi Aadan, W/Q:-Ugaas C/risaaq Cali Goohe.

Waxaan Qalinka U holoday Inaan Wax Yar Ka Iftiimiyo Anigoo Ah Ugaas C/risaaq Cali Goohe Ugaaska Guud Ee Beelaha C/abokor,  Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Inkasta Oo Xubnaha Kale Ee Wasiirada Dawlada Somaliland Wada Yihiin Mishiinka Dawlada Wada Shaqadeeda ee Bulshada u Adeega Haddana Waxaan Si Gaara Farta ugu Fiiqayaa Wasiirka Maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo Ah Laf Dhabarta kaliyaata Ee Qaybaha Laxaadka leh ka Qaadatay Horumarka Dawladnimo iyo U Adeegista Shacabkeeda.

Waxaan Ku Sifeeyey Dhawr Qodob oo Kala Duwan oo Aad ugu muhiim Ah Shacabka kala duwan Ee Somaliland Min Bari Ilaa Galbeed Sida Hagar la’aanta Ah ee Ay ugu hagar baxday Dadkeeda.

 

Qodobka 1aad Waxaan Odhan karaa Waa madaalaha Qaranka Somaliland Oo Inta Badan Ka hawlagasha Arimaha Bini-aadamtinimada iyo U Gargaarka Shacabkeeda, Waxay Si aan dedaal yaran ula dareentay diifta iyo darxumada haysatada Shacabkeeda iyadoo geed dheer iyo mid Gaabanba U fuushay Sidii Shacabka Ay u Gaadhsiin lahayd Quutal Daruuri iyo Biyo Ay Haraadka kagaga baxaan.

Qodobka 2aad- Waxay habeen Iyo maalinba Dhexda u Xidhatay Sidii Ay Shacabka ugu Ilaalin lahayd Dhaqaalaha Kala Duwan ee Dalka Lagu Maamulo oo ay ka Wasaarad Ahaan iyadu ugu Magaacaban tahay Wasaarada maaliyada.

Qodobka 3aad- Waxay Si Cadaalad iyo Sinaan Ah u gaadhsiisay Deegaanada kale Duwan iyo degmooyinka Dalka, Adeegyo Aas-aasiya  Sida Haddii ay Tahay Ambalaas Baabuurta lagu Qaado Dadka Ay Asiibaan Xanuunada kala Duwani Sida Hooyada Umusha Ah Ee ay Fooshu ku Qabato deegaanada Miyiga ah.

Qodobka 4aad Waxay Gobolo Badan ka Hirgalisay Si Toosa Ay Uga Shaqayso  Laamaha kala Duwan ee Wasaarada maaliyadu oo aaney markii Hore Goobaha Lahaan jirinba Xarumo wasaarad Maaliyadeed oo lagu Qabto Lacagta Cashuuraha Barriga.

 

Guntii iyo gabo-gabadii Waxaan odhankaraa Waa Shaqsi ku Sifooybay Daacadnimo iyo Dedaal Dheeraad ah oo Ay ku Daryeesho Shacabkeed, Dadnimada iyo inaad u damqato dadkaagu waa waxyaabaha xagga ilahay aad kagaga helayo ajar iyo xasanaad badan, Waa Mishiin Madaale Ah oo Maskax iyo muruqba Galisay Shacabkeeda iyo Dadkeeda, alle ha’daayee.

 

 

W/Qalinkii:-Ugaas C/risaaq Cali Goohe.

Hargeisa Somaliland.