Roobab lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Galabta Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Sanaag.

Sanaag(GNN):-Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa laga soo sheegayaa inay ka curteen roobab aad loogu diirsaday.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag roobabka ayaa ka da’ay deegaanada dhinaca xeebta ee gobolkaas iyo waliba deegaano kale oo hoos yimaada degmada Ceel Af Weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Sida ay wararku sheegayaan deegaanada ay ka mid yihiin Darar Wayne Iyo Kal Sheekh oo ka mid ah degmada Ceel Afweyn ayey ka curteen roobab ay si weyn ugu qabow sadeen dadkii ay abaaruhu saameeyeen ee ku noolaa deegaanadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in roobab kale ka curteen deegaano ka tirsan dhinaca xeebta ee gobolka Sanaag kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaanada Madal Mugge Iyo Raqas.

Bulshada deegaanadaasi ku dhaqan oo ay wehel u ahayd diifta iyo macaluusha ka dhalatay abaarta ayaa iyagu aad ugu riyaaqay raxmaadkan eebe ee u hoorey madaama uu roobku ka raagay isla markaana aanay muddo arag.

Guud ahaan deegaanada kala duwan ee gobolka Sanaag ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada bariga somaliland.