TELESOM oo Jabisay Go’aankii Xukuumadda ee Lagu Mamnuucay Baahinta Xayaysiisyada Goobaha Caafimaadka

Hargeisa(GNN):-Warbixintan Oo Aanu Kasoo Xiganay Wargeyska Dawan Ayaa Lagu Daabacay Maanta Sida Sida Shirkada Telesom U Baalmartay Sharciyadii Dalka iyo Go’aamadii Laga Soosaaray Baahinta Xayeysiisyada Goobaha Caafimaadka.Waxaanay Warbixintani U Dhignayd Sidan.
Telesom waxay qaab laba wajiileyn ah uga madax gadanaysaa fulinta go’aankii dawladda ee suulinta sicir-bararka
Xayaysiiskii u dambeeyay ee sharci darro ah ee TELESOM baahisay iyo macluumaadkii uu xambaarsanaa

Dawan– Shirkadda TELESOM, ayaa burisay go’aankii ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay shirkadaha isgaadhsiinta kaga joojisay baahinta xaysiisyada caafimaadka, waxaaney dib u bilaabeen baahinta xayaysiisyada Rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay oo ahayd baahintii laga mamnuucay, waxaanay tallaabadan sharci darrada ah ku kalifay shirkadan macaash doon.

12-kii Bishii December 2016-kii, ayuu Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) uu go’aan ka soo saaray baahinta Xayeysiisyadda caafimaad ee ka baxa telefishanadda, jaraa’iidadda, idaacadaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta.
Wasiirka Caafimaadku wuxuu qoraalkiisa ku yidhi, “Xayeysiisyada caafimaadka ee ka baxa telefishanadda, wargeysyadda, idaacadaha iyo fariimaha telefoonadda ee shirkadaha isgaadhsiinta waa in la joojiyo, haddii aanu xayeysiiskaasi rusqad ka haysan wasaaradda caafimaadka.”
Shirkadda TELESOM ayaa jabisay amarkaas ka soo baxay wasaaradda caafimaadka, waxaanay macaamiisheeda isticmaala telefoonada gacanta ay u dirtay xaysiisyada goobo caafimaad, taasi oo ay iskaga indho tirayso go’aamada xukuumadda.
Fariintii ugu dambaysay ee ogaysiis caafimaad ah oo ay Telesom baahisay 10:00 subaxnimo ee Salaasadii toddobaadkan, waxay u qornayd, “Bilaal Pharmacy Burco waxaa shaqada ka bilaabaya 04/02/2017 (Sabtida)
Dr. Maxamed Cismaan Ciise oo ka imanayaa Diri-dhaba (Ethiopia) khabiirna ku ah cudurRada Roomatiisanka , jilib xanuunka, curuuqaha , neerfaha, gasteriga iyo cudurada guud kala xidhiidh.”

Sidoo kalena, waxay Telesom shaqadii ka qaaday warbaahinta curdinka ah ee dalka, iyadoo kula tartanta xayaysiisyada oo aan ku jirin adeegyadii dawladdu ku siisay ruqsada ganacsiga.
Geesta kalena, ilo looga qaateen ah oo ka ag dhow shirkadan, ayaa sheegaya in TELESOM, ay ku hawlan tahay tallaabo ay kaga galgalanayso inay si dhab ah u dhaqan geliso go’aankii shacbigu u guuxay ee lagu amray inay adeegooda ZAAD-ka ka saaraan seerfarkooda wixii ka yar $100. Inkasta oo ay shirkadaasi dhawaan ku dhawaaqday inay fulinayso go’aamadii xukuumadda, hase yeeshee marka la booqdo xarumaheeda kama muuqato ifafaale ay ugu diyaar garoobeen inay ku dhaqan geliyaan qaraarka dawladda.
Waxa kale oo suuqyada magaalooyinka laga dareemayay in suuqyo qarsoodiya halka doolar lagu kala sarifanayo 8200 Sl Sh. waxase dadweynuhu u dheg taagayaan sida xukuumadda Somaliland uga soo dhalaasho inay ficil u rogto hindisaheeda ay ugu danaynayso danyarta isla markaana lagu suulinayo sicir-bararka iyo sarif bararka is barkaday.

By Saciid Cagjar