Ururka Samafalka ee Samokaal oo Si Rasmiya U Bilaabey Gabyankii Dooxa Dugsigii Sare Qalax, Kaasi oo Dhibaato Wayn ku hayey Iskuulkii sare.

Ururka Samafalka ee Samokaal Ayaa Si Rasmiya U Bilaabey Gabyankii Dooxa Dugsigii Sare Qalax, Kaasi oo Dhibaato Wayn ku hayey Iskuulkii sare Ee Qalax, Oo kuba Sigtay in la Waayo oo uu Meesha ka baxo, Haddaba Bulsho Waynta Reer Soomaaliland Dibed iyo Gudaba Waxaan Ugu Baaqaynaa inay ka Qayb Qaataan Qaadhaanka Loo Ururinayo Si Dhul go’aas Aan Uga Badbaadsano Iskuulkeenii Taariikhiga ahaa Ee Qiimaha badnaa Ahaana mid Nolosheena ka Mida,Gaar ahaan Waxaa Baaq Cod dheer lagu Gaadhsiinayaa Ardeydii ka baxdey iskuulka Ex-Qalax Secondary(haddana loo yaqaano Tima-Cade Secondary School) Waxaan ku War galineynaa Cid kasta oo ka Qayb qaadanaysa Arrintaa Khayriga ah inay ka Qayb qaataan,Oo Ay la soo Xidhiidhaan Ururka Samakaal. Accounada Samakaal waa GEB 309/ Geb0290 ama Marchan Number:405075. Isak Mahamoud

Exit mobile version