Waayaha Ku gadaaman Hogaaminta Farmaajo ee Mustaqbalka

8-dii February 2017, Maalin Arbaco ahayd, ayaa labada Aqal ee Soomaaliya Madaxweyne u doorteen Mr. Mohamed Abdilaahi Farmaajo, oo ah nin u muuqda inuu 75% kalsoonida dadka Soomaaliyeed kasbaday muddo lix bilood ahayd, oo uu Raysal wasaare ka noqday mid ka mid ahayd dawladihii Ku meel gaadhka ahaa ee Soomaaliya soo maray, iyadoo lagu tilmaamo inuu ahaa Mas’uulkii ugu wadaniyadda iyo maamulka fiicnaa intii madax soo martay Soomaalida Cusub ee maanta nool, marka laga yimaado taariikhdiisii hore oo inta badan ahayd mid dadka soomaalida ahi ay majeertaan, caqabado tiro badan ayaa ku hareeraysan inuu u guto waajibka qaaran ee saran si waafaqsan rabitaanka dadka soomaaliyeed iyo tiisaba ka hogaamiye ahaanba, caqabadahaas oo loo qaybi karo sidan hoos ku xusan:-
A. Caqabadaha Gudaha
A.1 Qabyaalada
Burburkii asiibay qarankii Soomaaliyeed, ma ahayn oo qudha mid ku habsaday Inkaaniyaadkii, Magaalooyinkii iyo agabkii qaranku lahaa oo keliya, ee waxa burburku haleelay akhlaaqdii,dhaqankii bulsho, iyo qiyamkii umadnimo, waxaanay dadkii Soomaaliyeed u kala burbureen fidqo fidqo ku salaysan deegaano-qabiilaysan, oo aragtida iyo nadariyada hogaamisaa ay qabyaalad iyo kala qoqob tahay, deegaan kastaana uu cadawgiisa koowaad u arko deegaanka ku xiga, taasoo ay dhiirigeliyaan siyaasiyiin aragti dhow, oo inta badan ay hagto masaaliixdooda siyaasiga ah iyo tooda dhaqaale-urursi ee Gunta dhowi, danna aan ka lahayn qaran Soomaaliyeed iyo haybadii umadda Soomaaliyeed oo dib-u-unkata.
Dhab ahaantiina, in inkaaniyadkii burburay dib loo dhiso, waxaa ka dhib badnaan doonta in wadaniyadii iyo dhaqankii qowmiga ahaa ee Soomaalinimada ku qotomay ee burburay dib loo dhiso, waxaa iyana xaaladdan cakiran ee noocan ah in si sahlan looga baxo turaanturo ku ah dhaqaalaha liita iyo iyadoo aanu maamulka cusubi gacanta ku wada haynin dhamaanba dalkii oo dhan, oo ay ku jiraan ilihii wax soo saar ee miisaaniyadda qaranka laga unki lahaa si wax ku ool leh, tan, waxaa barbar-socda 10-ka madaxweyne-ku sheeg ee mid waliba soo hor fadhiistay waxa loogu yeedho dawlad-goboleedyo metela deegaanadooda, balse, ah kuwo ka shiidaal qaata ciddo shisheeye, midkastaana u haysto inuu yahay Madaxweyne run ah oo ka awood weyn Farmaajo, arimahan iyo kuwo kale oo badan oo aanan qormadaydan kooban kuwada xusi Karin, ayaa ah, kuwo mugdi gelinaya in hogaamiyaha cusubi si fudud u xaqiijiyo aragtidiisa iyo himiladda umadda soomaaliyeed ee isbedelka iyo dawladnimada u ooman.
B. Caqabadaha Dibedda
Rubuc qarni (25 sanadood) ayaa Soomalidu la noolayd baylah, dayac, dawlad la’aan, iyo inay noqotay meel shisheeyuhu ka danaysto, haba ugu badnaadeen dawladaha jaarka la ah Soomaaliya, oo aan marnaba raali ka noqon in Soomaaliya hesho dawlad ku shaqaysa rabitaanka dadkeeda, kuwani waxay dhiirigeliyaan kala qoqobka iyo kala fogaynta dadka soomaaliyeed, iyagoo dadka sSoomaaliyeed ka dhex-samaystay Siyaasiyiin metela Shacabka Soomaaliyeed, balse, ku shaqeeya aragtida ay qabaan wadamadda jaarka ahi, iyo kuwa la midka ahi, sida laga soo xigtay, Madaxweynihii hore ee kiiniya, Mr. Danial Arab Moi, isagoo lakjar ka jeedinaya jaamacad ku taal dalka Maraykan ka ayaa wuxuu yidhi: marnaba wadamada jaarka la ah (kiiniya iyo Ethopia) Soomaaliya kama go’na inay Soomaaliya ka dhalato dawlad taam ah oo Soomaaliya, waayo, waxaanu ka cabsi qabnaa in haddii ay soo noqoto quwadii iyo Xoogii Soomaaliyeed ay mar kale dib u soo cusboonaato sheegashadii Soomaaliya ee NFD (Kenya) iyo Kililka Shanaad ee Ethopia, ha, ilaawin akhriste, marka uu sidan leeyahay, dhinaca kale, waxaa Ethopia iyo Kenya caalamka tusayaan iyagoo shirar dibu-heshiisin ah oo soomaalida loo qabanayo ay wadamadooda ku martigelinayaan, mararka qaarna ay iyagu shirarkaas qabanqaabiyaanba, xaalkooduna kama tagana, QOSOL BEEN AH, FOOL WADA QAYAXAN, QIIL AAN GARANAAYO, BOORAAN AFKII LAGA QAFULAY, QABARNA HOOSEEYO, NIMAAD QALI, QAMUUNYADA KA DHOWR, FOOLSHA U QAAWI. Runtu waxay tahay in wadamadani aanay marnaba raali ka noqon doonin hindise kasta oo wanaagsan oo Madaxweyne Farmaajo la yimaado, aragtidaas dib usoo noolaynaya haybadii iyo karaamadii duntay ee dadka soomaaliyeed lahaan jirtay, taas bedelkeedana, way ka hor iman doonaa si toos ah iyo si dadbanba, waa arin u baahan in farmaajo la yimaado istraatijiyadii uu ku wajahi lahaa arimahaas.
C. Fursadaha uu haysto farmaajo
· Madaxweyne farmaajo, fursadaha uu haysto waxaa ugu qiimo badan rabitaanka iyo kalsoonida dadka soomilyeed oo aad u taageersan una hanweyn, taasoo aanay jirin wax kale oo qiimo ahaan la ag dhigi karaa, kuwaasoo si weyn isu barbar taagi doona qorshe kastoo wanaagsan oo uu la yimaado.
· Waxaa jiro dad badan oo Soomaaliyeed oo wax bartay, aragti dheer leh, hal abuur iyo cabqariyad leh, oo ay aad u madax martay wadaniyadu, ee aanay madax marin hanti jacayl iyo muxibada ay kursiga u qabaan, kuwaas, haddii uu soo dhawaysto, oo lataliyayaal dhow-dhow ka dhigto waa fursad kale oo dahabi ahi oo uu haysto, una isticmaali karo inuu caqabadaha hor yaala kaga gudbo.

Talo Bixin
· Inuu ka fogaado goa’aamadda lab-la-kaca iyo caadifaddi hadhaynayso, go’aamada uu qaadanayaana ay noqdaan kuwo uu aad uga baaraan-dego,una rogrogo, isagoo ka talagelinaya kuwa ahlu-caqliga, wadaniyada, iyo cilmiga u saaxiibka ah ee ka ag-dhowdhow haddii loo baahdo.
· Inuu samaysto, la taliyayaal xirfadooda aqooneed ee dhinaca dhisitaanka hanaanka dawladnimo saareeyo oo kala taliya dhamaanba arimaha muhiimka u ah sida dib loogu dhisi karo qarankii iyo dawladnimadii dadka soomaaliyeed.
· Inuu aad uga durko, badsashada iyo la macaamilka kuwo qabiilka aaminsan, ee uga dhigi kara qabaailka Soomaaliyeed kuwo la col ah iyo kuwo u nasteexa, fahmana, inuu madaxweyne u yahay qoys qudha oo Soomaali la yidhaahdo
· Inaanu dadka Soomaaliyeed kala dhawaysan
· Inuu ka fogaado jacatylka Kursiga iyo Maal urursiga, markastana maanka ku hayo in amaanadda uu hayaa ay umadda Soomaaliyeed leedahay, isaguna uu adeeg u yahay, markii loo baahdana uu amaanadaas umadii lahayd ku celiyo ee aanu isku dhejin, taas ayaana ah hindaha iyo dabeecadaha togan ee lagu yaqaano hogaamiyaha wanaagsan ee mudakarka ah.
Gunaanadkii, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu Hogaamiyahan cusub ku asturo amaanada culus ee loo dhiibay, uuna noqdo mid umadda Soomaaliyeed ugu adeega Cadaalad, sinaan, iyo barwaaqo lagu naalooto
Wa Bilaahi Towfiiq.
Qalinkii: Mr. Hussein-lucky M. Mohamoud,
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com