War Deg Deg Ah: Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Ansixiyay Heshiiska Xukuumada Somaliland Imaaraadka Ku Siisay Saldhig Milatari.

Hargeisa(GNN):-Labada gole ( Guurtida iyo Wakiilada) ayaa cod aqlabiyada ku ansixiyay heshiiskii Saldhiga milateri ee xukuumada Somaliland lagashay dawlada imaaraadka carabta.

Heshiiskan ayaa maanta baarlamaanka Somaliland ku ansixiyay fadhi wada jira oo ay yeesheen labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada oo uu hogaaminayay gudoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Nuur.

Waxaa ogolaaday heshiiska 144 ( boqol iyo afar iyo afartan) xildhibaan, waxaa diiday hal xildhibaan, shana way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muucodayn.

Heshiiskan ayaa todobaad yadii ugu dambeeyay doodiisu ka taagnayd Somaliland kaasi oo bulshada qaybo kamid ahi ay diidanaayeen halka qaarna soo dhaweeyeen.

Warkan oo faahfaahsan kala Soco Gabiley News Faahfaahinta Wararkan.