War Deg Deg Ah:- Musharaxiinta Iskugu Soo Hadhay Wareega Labaad Ee Doorashada Madaxweynaha Somaliya Oo La Shaaciyey Iyo Codadka Ay Heleen –

Muqdisho(GNN):-wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha somaliya ayaa la soo gaba gabeeyey iyada oo ay soo dhamaatay tirintii codadka.

Gudoomiyaha golaha shacabka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada somaliya.

Afartii musharax ee loo baahnaa inay ku soo baxaan wareega koowaad ee doorashada ayaa noqday Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo helay codadkii ugu badnaa ee ay dhiibtaan xildhibaanada labada aqal.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa helay 88 cod, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu helay 72 cod, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay 49
cod iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo helay 37 cod.