War Deg dega Qodobo Ka Soo Baxay Wadahadalkii Somaliland iyo Kooxda Khaatumo

Qeybtii labaad ee wadahadalka Kooxda khaatumo iyo Somaliland ee ka soconaayay wadanka jabuuti ayaa soo xidhmay.

Waxaana wada hadalkan oo ay isku hor fadhiyeen lix xubnood oo ka kala socda Kooxda khaatumo iyo somaliland  ka soo baxay qodobo.

.1 – waxaanu dib u eegis ku samaynana heshiiskii 11 ka qodob ka koobna ee adis ababa 21 /12 2016 wixii ka hirgalay iyo waxaan ka hir galin.

2-in taakulaynta abaaraha somaliland iyo khaatumo iska kaashadan kana wada shaqeeyan.

3-waxaanu ugu baaqayna hay addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba in si deg deg ah deegaanadaas uga hawlgalaan abaaraha iyo horumar la aanta ka jirta aawadeed.

4- in shirka gudiyadda wadahadalka khaatumo iyo somliland lagu qabto jabuuti 20 /3 /2017.

5- waxaanu siwada jir ah u cambaareynana falka nabadgalyo xumada ah iyo khal khal galinta ahaa ee puntland ka fuliyeen madaarka buuhoodle 5 bisha 2 /2017 waxaanu usoo jeedinayna in ay ka waantoodo falka foosha xun iyo wixii farogalin ah.