Wasiiro  Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Saaka u Dhoofay Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedada Socdaalkoda

Waftigan wasiirada ah ayaa u safray dalka isku tagga Imaaraadka Carabta,waxaana waftigan dalka ka dhoofay ay ka kooban yihiin wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan,wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil Morgan.Ujeedada rasmiga ah ee Waftigan ay ugu tageen dalka Imaaraadka Carabta Ayaan wali la shaacin balse xogaha ayaa waxay tibaaxayaa in socdaalkoodani uu la taxaluqdo in ay kulamo lasoo yeeshaan madaxda dawlada Imaaraadka iyo waliba shirkada Dp World ayna kala soo hadlaan arrimo ay ka mid yihiin,Wareejinta dekeda Berbera ee ay gacan ku haynteeda la waragayso shirkada Dp World bisha March ee fooda inagu soo haysa,heshiiska Saldhiga Milateri iyo waliba inay madaxda imaaraadka u bandhigaan inay gurmad deg deg ah soo gaadhsiiyaan dadka ay abaaruhu ku halakeeyeen deegaanada Somaliland waa  sida ay noo sheegeen ilo wareedyo u dhaw xarunta madaxtooyadu.