Wefti Ka socda Xukuumadda Somaliland oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada Tanzania.

Wefti Wasiiro iyo xubno kale isugu jira oo ka socda xukuumadda Somaliland ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Wasiirka arrimaha dibada dalka Tanzania Uagustine Mahiga.

Weftigan oo uu hoggaaminayey wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Maxmed Ibrahim Aadan (Qabo) oo uu ku wehelinayey Wasiiru dawlaha beeraha C/waaxid C/qaadir C/raxmaan iyo xubno kale ayaa kulankooda waxa aywasiirka arrimaha dibada Tanzania kala hadleen sidii dawladdiisu uga qayb qaadan lahayd taakulaynta dadka reer Somaliland ee Abaaruhu saameeyeen, iyaga oo weftigu sidoo kale warbixin ka siiyey xaalada Somaliland marayso.

Wasiiru dawlaha wasaaradda beeraha Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan oo warbixin uu kulanka kaga hadlo ku daabacay boggiisa uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa ay warbixintiisu u dhignayd sidan:
“Maanta waxaa Xafiiskiisa nagu qaabilay Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Tanzania mr,Uagustine Mahiga. Waxaanu ka wadahadalay xidhiidhka labada dawladood. Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka qorshaynta.
Waxaanu warbixin ka siinay guud ahaan xaalada SL, sigaar ahna abaarta dalka ka jirta, waxaanuna ka codsanay sidii xukuumadda Tanzania ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka socda ee lagu badbaadinaayo dadka iyo duunyada abaartu ku habsatay. Isagoo balan qaaday in xukuumaddiisu si dhakhso ah uga soo jawaabi doonto fariintayadda uuna gaadh siindoono M/weynaha.
Wasiirku waa nin wax badan ka fahmsan Somaliland,si aad ah ayuuna noo soo dhaweeyey, isagoo SL ku ammaanay sida aynu u sugnay nabad gelyada iyo hanaanka dawladnimo”.