Xukummada Somaliland oo Beenisay Beenta Saxaafada Lagu Faafiyay ee Sheegaya Ino Madaxweynaho London Ku Xanuunsanayo

London (GNN)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashey Wararka Sheegaya In Xaalad Caafimaad Darro Soo Waajahday Madaxwayne Siilaanyo.

Xukuumadda somaliland ayaa ka hadashay inay xaalad caafimaad darro la soo daristay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,waxaanay xukuumaddu beenisay warar maalmihii u danbeeyey ku dhex wareegayey baraha bulshada oo sheegaya in madaxwayen Siilaanyo ay xaalad caafimaad darro la soo gudboonaatay.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani” oo uu wargeyska Geeska Africa wax ka waydiiyey jiritaanka wararka ka dayrinaya xaaladda caafimaad ee madaxawne Siilaanyo ayaa sheegay in madaxwaynuhu caafimaad qabo,wasiirka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa yidhi

“Intii aan ogaa madaxwaynuhu wuu caafimaad qabay markii uu halkan ka tagayna wuu caafimaad qabay,wax war ah oo aanu ka helnay oo ku saabsan xaaladiisana ma jiro,waxaanu qabnaa inuu caafimaad qabo,hadii ay wax soo baxeena reerku way noo soo sheegi lahaayeen,xanuunkuna ceeb maaha oo ILLAAHAY baa keena,anagu dawlad ahaana ma hayno in madaxwaynaha xaalad caafimaad darro hayso,waxaana ilaahay uga baryayaa inuu cimriga iyo caafimaadkaba u dheereeyo”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland mar aanu wax ka waydiinay sida uu u arko qiimihii sarrifka doollarka oo halkisii kusoo noqday iyo halka ay ku danbeysay wareegtadii madaxwayne Siilaanyo eedhinaca sarrifka ayaa ku jawaabay

“Arrinta guddi baa gacanta ku haysa ay baanka iyo maaliyaddu madax ka yihiin,go’aankii ay dawladu kasoo saartayna sidiisii buu u fulayaa ,ciddii ka hor timaada ee la arko inay ku sarrifayso qiimo ka duwan qiimihii lasoo saaray waa cid sharcigii jabisay,wax baana laga qaban doonaa,markaas waxaan leeyahay guddiga ayaa wali hawshii gacanta ku haysa ee ha laga war sugo”.

Wasiirka warfaafinta mar uu fariin tallo ah u direy ganacsatada dalka waxa uu yidhi

“Nimankan baayac-mushtariga ah waxaan leeyahay sannad abaareed baynu ku jirnaa ee umaddiina u naxariista oo maceeshada u jabiya,shilling-ka Somaliland-na wax ku iibiya kuna iibsada oo shilling-ka iyo lacagtiina xoojiya”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland mar uu ka hadlayey farogalin uu sheegay inay somaliya ku hayso Somaliland ayaa waxa uu yidhi

“Somaliya markii ay aragtay inay dadkii Reer Somaliland ay qaddiyadooda iyo dawladnimadooda ku adag yihiin waxay bilaabeen nidaam ay ka danbayso Somaliya iyada oo lacag ka helaysa dawlada Turkiga,waana kala hadlaynaa dawlada Turkiga Arrintaas,waxaana ay bixisay lacag la doonayo in lagu isticmaalo umadda reer Somaliland gaar ahaana bulshada,madax-dhaqameedka ilaa fanaaniinta,heeso ha noqoto ama gabayo ha noqoto,waxaana jira in fanaaniin la dirayo,markaas waxa dhab ah in aanay jirin lacag ay ka helayaan bandhig faneed ee lacag rasmi ah oo ka socota dawlada Somaliya ayaa la siinayaa,waxaan leeyahay qof walba oo reer Somaliland wuxuu doono ha noqdo cidda calanka Somaliya huwata waa qaran dumis,markaas fanaaniinta iyo cid kasteba arrinkaas waan uga digayaa in ay calankaas huwadaan oo la khiyaameeyo,dawlada Turkigana waxaan leeyahay Somaliland iyo Somaliya waa laba dal oo kala madax-banaan ,waxay u baahan yihiin wax abaaraha kala qabta oo maalgaliya.Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaana uma baahan wax dadkeeda kala qaybiya ,Turkigana waan uga digayaa inay soo faro galiyaan arrimaha Somaliland,Fanaaniinta Somaliland-na waxaan u sheegayaa inay hawshaas ka baxaan oo ay ogaadaan in shilimaadkaas ay qaadanayaan in qaranimadooda uu liddi ku yahay”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Wasiir Caddaani.

Sources: GEESKA