DAAWO SAWIRADA Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiye Cirro Oo Saaka Safar Ugu Baxay Dalka Ingiriiska.

Waxaana waftigani ay saaka ka dhoofeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa,waxaana ay waftigan dalka Ingiriiska ku maqnaan doonaan muddo kooban.

Gudoomiye Cirro ayaa isagu marti qaad rasmi ah ka helay Machadka lagu falan-qeeyo arrimaha siyaasadda caalamka ee loo yaqaano CHATTAM HOUSE isaga oo ka jeedin doona khudbad aad u dheer oo ka hadlaysa xaaladda Somaliland wakhti xaadirkan ku sugan tahay.

Gabagabadiina waftigan uu hogaaminayo gudoomiye Cirro ayaa waxay inta ay ku sugan yihiin dalka Ingiriiska waxay ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan iyo waliba taageerayaasha xisbiga WADDANI ee wadanka Ingiriiska.

2 3456789