Daawo-Xisbiga Waddani Oo Wasaarada Duulista Somaliland Ku Eedeyey In Magaca Somaliya Lagaga Dhex Shaqeeyo Madaarka Hargaysa.

Xoghayaha Duulista iyo Hawada Xisbiga WADDANI oo maanta la hadlaayey

Warbaahinta, waxa uu soo bandhigay dhalliilo iyo fadeexado badan oo dul-hoganaaya wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland isaga oo carabka ku dhuftay in magacaSomaliya lagaga dhex shaqeeyo Madaarka Hargeysa, gaar ahaan xiliyada ay diyaaradahu soo degayaan.

Image may contain: 1 person

 

Waxa kale oo uu farta ku fiiqay in ay jiraan lacago tira badan oo si qeyrul sharci ah loogga urursado dadka ka dhoofaya Madaarka Hargeysa.

Xoghayaha Duulista iyo Hawada Xisbiga WADDANI Md.Nuuradiin Diini oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, waxa uu tilmaamay in wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ay ku fashilantay shaqadii ay qaranka u haysay isaga oo wasiirka wasaaraddaas na ku sifeeyey in uu kala garan waayey shaqadii wasaaraddiisa iyo tii wasaaradda Gaashaandhiga.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan