DAAWO:Xukuumadda Oo Hanjabaad Adag Hawada Umarisay Madax Dhaqameedka Somaliland + Waxa Ay Daaran Tahay

Wasiir ku Xigeenka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Jaamac  Cabdillaahi Biin  ayaa  Maanta Shir  Jaraa,id oo uu ku  qabtay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha  Kaga  hadlay  Dadka  kasoo  horjeeda Horumarinta   Mashaariicda  ka socda Dalka.

Wasiirka Ayaa sidoo Kale Digniin u  Diray   Cuqaasha  iyo  madax dhaqameedka  dalka  kuwaasi  oo  uu sheegay inay   inay  hormuud u  yihiin  nabada   isla  markana  dawladu  ku ixtiraantu   iyaguna  tix galin  muujiyaan inaan  maanta kadib  loo adkaysan  doonin  caaqil   colaad   aloosaya  lagana  saari doono  liiska cuqaasha.

Dhinaca  Kale  Mudane Wasiir Jamac  Cabidillaahi Biin  waxaa uu  sheegay in  warbaahinta  lagaga  hadli karo  wixii tallo iyo  toosina  ee ay ka  reeban tahay   kicinta  dadka  iyo ka  shaqaynta  dad isku  dirku.