Dagaal Ka Dhacay Tuuladda Kalabaydh Oo Galbeed Kaga Beegan Laascaanood

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay magaalada Kalabaydh, oo 30 Km Galbeed kaga aadan magaalada Laascaanood ee xarunta gaolka Sool.index

Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada Soomaliland iyo dadka degaanka degan sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Hiiraan Online

“Waxaa soo galay magaalada ciidamo kuwaas bartilmaameedsanaya in ay qabqabtaan dad magaalada joogay, taana waxaa ka kacay dadkii sidaana waxaa ku bilaamay dagaal mudo soconaayey ayuu yiri Cabdiqani Ibraahin oo ka mid ah dadka deegaankaas ku sugan.

C/qani waxaa uu HOL u sheegay in labo nin ku dhinteen oo shacabka ka mid ah mid dhaawac ahna uu arkay,lakiin buu jidhi lama dheegi karo dhabta waxyeelada yada o ay jiri karan waxyeelo kale.

Dagaalka oo ay ka qayb qaateen gaadiidka ciidamada ayaa sida ay shegeen goob joogayaal ayaa geystay khasaare maaliyadeed.

Ugu danbeyntii, gudoomiyaha gobolka Sool  Cabdi Khayre Dirrir oo aan la Xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in dagaalkaasi dhacay balse waxa uu sheegay in ay  wali raadinayaan khasaaraha dhabta ah iyo sababta keentay isagoo dhacdo foolxun ku tilmaamay. 

Hiiraan Online