Deg-Deg-Xafiiska Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka Dawlada Somalia Oo La Jabsaday Dukumentiyo Muhiim Ahna Lagala Baxay.

Muqdisho(GNN):-Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ku dhex yaalla Xarunta Villa Somalia ayaa la jabsaday lagana qaatay dokumentiyo muhiim ah.

Saraakiil ka tirsan NISA iyo Taliska AMISOM oo adeegsanaya Eeyaha u tababaran Raad-raaca iyo urinta ayaa la sheegaay inay saaka bilaabeen baaritaanka sidii lagu ogaan lahaa cidii jabsatay Xafiiska Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Ilaa 25 feyl iyo Computerkii gaarka ahaa ee uu ku shaqeynayey hanti dhowrka guud oo macluumaad muhiim ah ku keydsanaa ayaa la sheegay lagala baxay xafiiska.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dokumentiska la qaatay ay ku jireen qaar hanti dhowrka Qaranku ka diyaariyey heyaddaha dowlada ee musuqmaasuqa ku kacay.

Saraakiisha Ammaanka ayaa rumeysan in shaqsiyaad ku sugan xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia ay ka dambeeyaan falkan xatooyadda ah, maadaama dad banaanka ka yimid aysan suuragal aheyn iney soo galaan madaxtooyada falkaasina ku kacaan.

Saraakiisha ayaa su’aallo weydiinaya qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Hawlwadeenadda ka hawlgala dhismaha Wasaaaradda Maaliyadda ku leedahay madaxtooyada oo xafiiskan uu ku dhex yiilay, kuwaasoo si weyn loogu tuhunsan yahay iney ku kaceen falkan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan xasaasi ah Madaxtooyada ugu yeeray Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Farmaajo iyo Jimcaale ayaa qaatay kulan socday Saacado badan waxayna ka wada hadleen dhacdada lagu jabsady xafiiska Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hanti dhowrka guud ee Qaranka weydiiyay inta ay la’egtahay macluumaadka sirta ah ee ku keydsanaa dokumiintiyada la dhacay.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in sirta maqan ee dowlada leedahay ay tahay mid aad u weyn.

Ma cadda waxa ay salka ku heyso arrintan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in mudooyinkanba uu Hanti-dhowrka guud ee qaranka qabay walaaca la xiriira in loo dhaco Xafiiskiisa.