Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Martiqaaday Wefti Madax-dhaqameed Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa martiqaad u sameeyey wefti madax-dhaqameed ah oo ka socda dhulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu facawayn Soomaalida oo ay wehelinayaan Suldaan Naasir Xaashi Muxumed, Sheekh Muxyadiin Sheekh Maxamed oo ka mid ah Guurtida dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Jamaal Dayib Garaad Yuusuf, waxay socdaal ku yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa dhawaan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku martiqaaday weftigaasi huteelka Sultan ee magaalada Hargeysa maanta, taas oo ay kala qaybgaleen xubno ka mid ah madaxdhaqameedka reer Somaliland oo ay ka mid yihiin; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah garaadada Gobolka Sool iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan. Waxa kaloo goob-joog ka ahaa martiqaadkaasi masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan KULMIYE oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere, Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Xoghayaha Abaabulka ee xisbiga Md. Cabdikariin Xinif iyo Agaasimaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).

Madaxda xisbiga iyo weftigu waxay iska waraysteen xaaladaha guud ee dhulalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay ka sheekaysteen isdhexgalka bulshada iyo sii wanaajinta xidhiidha labada dhinac u dhexeeya si loogu wada noolaado nabadgalyo, isla markaana mar walba dadku ay iska kaashadaan horumar la gaadho oo laga wada faa’iidaysto.